SOMALILAND: Nuxurka Qodobadii Lagaga Hadlay Shirkii Golaha Wasiiradda.

“Xukuumaddu ahaanna aad iyo aad baannu uga xunnahay, waxana aannu la jirnaa dhammaan gabdhihii aan soo bixin….”

Hargeysa-(Hayaannews)-Fadhigii 76-aad golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Somaliland, Md.Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenku, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta qabsoomay, waxana lagaga wada hadlay arrimo kala duwan oo salka ku haya bogaadinta doorashadii qiimaha lahayd ee goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee dalka dhawaan ka qabsoontay iyo xeerar bulshada manfac u leh.

Ugu horrayn waxa uu goluhu shacabka reer Somaliland ugaga mahadnaqay sidii milgaha iyo xilkasnimada lahayd ee ay uga qaybgaleen doorashooyinkii isku sidkanaa ee goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, taas oo kor u qaadday sumcaddii iyo karaamadii Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, wacyigelinta iyo dhaqanka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali koore oo markii shirku dhammaaday warbaahinta faahfaahin shirka ku saabsan siiyey, ayaa sheegay in sidoo kale shirka la hor keenay xeerka hawlgabka shaqaalaha Somaliland oo muhiimad gaar ah u leh shaqaalaha kala duwan ee reer Somaliland, waxana uu yidhi, “Waxa golaha la hor keenay xeerka Hawlgabka shaqaalaha Somaliland oo ah xeer aad ugu muhiim ah ummadda reer Somaliland, haddii ay tahay dadka muddada dheer soo shaqaynayey haddii ay shaqada ka nastaan qaabkii ay u noolaan lahaayeen iyo qaabkii ay xaqooda u heli lahaayeen iyo kuwa dhallinyarada ah ee wax soo bartay sidii ay shaqo u heli lahaayeen, kaas oo si aqoon iyo xirfad leh loo soo diyaariyey, lana jaanqaadaya miisaaniyaddeena iyo haynteenna.”

Sidoo kale, waxa uu wasiirku sheegay golaha wasiirradu si weyn u falanqeeyey haweenkii axsaabta kala duwan ee qaranka ka sharraxnaa ee u tartamay goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee aan guulaysan, waxana uu goluhu muujiyey inay xukuumaddu ka xun tahay guuldarrada haweenkaas soo gaadhay, lana dareen tahay gabdhahaas aan gaadhin guushii ay raadinayeen,“Xukuumaddu way garowsan tahay in tiradii gabdhaha ahayd ee la rabay inay labada gole kasoo baxaan aanay soo bixin, xukuumaddu ahaanna aad iyo aad baannu uga xunnahay, waxana aannu la jirnaa dhammaan gabdhihii aan soo bixin, xisbi kasta oo ay ka tirsan yihiinna waanu dhinac taagannahay, waana aannu la dareemaynaa xanuunka ah inaanay tartankii dheeraa ee ay galeen aanay guul ka gaadhin, xukuumadda Somaliland ee uu gadh-wadeenka ka yahay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxay diyaar u tahay inay gabdhahaas la kulanto, lana fahmo wixii caqabad ku ah, si macne lehna loo lafo-guro, loona banneeyo gabdhaha goobo ay kasoo geli karaan siyaasadda,” ayuu yidhi wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

Golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland waxa fadhigooda loogu duceeyey Ardayda sannadkan geli doonta imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada siddeedaad ee dugsiyada dhexe iyo fasallada Afraad ee dugsiyada sare oo tiradoodu dhan tahay 32,900 (Laba iyo soddon kun iyo sagaal boqol) oo arday, waxana loo rajeeyey guul ballaadhan oo ay kasoo hooyaan imtixaankaas shahaadiga ah

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com