SOMALILAND: Oddoroska Nayruuska Saadaasha Sannadka 2022 ~ Qaybta 1aad

Wersidaha Nayruuska saadaasha xidigiska ee sannadlaha ah ayaa u dabaaldegaya sannad-guuradii 10-aad ee la daabaco.

Eebaa iska leh garasho, cilmi iyo aqoon, isagaanay u sugnaatay xukunka kownkan, qadarkiis iyo maamulkiisa cidina lama wadaagto, duniduna waxay ku joogtaa amarka awooda Eebe, waxaanu ku tilmaamay Aadamihiisa intuu ku manaystay wax kooban.

Haddana aadamuhu ma’daayo saadaasha iyo odoroska mustaqbalka, waxaanay jeclaystaan in ay wax ka ogaadaan wakhtiga fooda ku soo haya ee la xidhiidha waayahooda, balse, umay fiirsan dhibta ku jirta ogaanshahoodaasi, sababtoo ah, uma-adkeysan karaan haddii ay xog’ogaal u noqon lahaayeen ayaamaha ku soo foolka leh noloshooda saamiga ay ku leeyihiin farxad iyo naxdin.

Balse, ku dhaqanka saadaasha xidiggaha waa mid ku saleysan qaab-nololeedka bulshaweyntu ugu sahamiyaan beerahooda, xoolahooda iyo noloshoodaba, waxaana arrimaha saadaasha xidigaha wax laga weydiiyaa dad khibrad gaar-ah u leh arrimaha xidigiska iyo saadaasha, taasoo ay ku falanqeeyaan isbedelka cimilada, hawada, bad-maaxida iyo dowladdaha.

Haddaba, waxa aynu malle Aadame ku male’awaalno, Odoroska mustaqbalka saadaasha Sannadka Cusub ee 2022-ka, dadka ku xeelka-dheer leh cilmiga odoroska xidiggaha waxay odhan jireen “Waxaanu u eegnay Mooro, Meere iyo Maalin, markaa Moorada Sannadkan 2022-ka wuxuu ku beegmay Moorada Nayruus Sabtiyeed oo loo nisbeeyo astaanta Tobnaad ee burjiga Arliyada ee Biciidka, waxaannu ku aadan yahay muddada u dhaxeysa 22/12-19/01, godadka Dayaxu uu maro wuxuu ku leeyahay Faruur, Faruur-jidkabaal, waana xilliga kala wareega Deyrta iyo Jiilaalka, waa dhadig maalinle ah, habeen arbacaad buu leeyahay, waa qabow engegan, jihadiisu waa Waqooyi iyo Koonfur.

Dhinaca Siyaasadda Adduunka gaar ahaan Somaliland: Waxa la fillan jiray dareen wax-qabasho, hadhid, kibirsannaan, hamiga dadka oo gaadha meelaha ugu sareeya, mudaharaadyo, dhinaca siyaasadda Hoggaamiyayaasha xukuumaddaha, hoggaamiyayaasha xisbiyada, Ururrada iskaashiga iyo Ururrada aan dowliga ahayn, intooda badan waxay si xad-dhaaf ah u isticmaali doonaan awooddooda, iyagoo jeclaysanaya sidii ay u sii joogi lahaayeen jagooyinkooda, waxaanna daaha laga feydi doonaa xoggihii qarsoonaa iyo musuqmaasuqii baahsanaa ee hantida umadda ay ku dhex lunsadeen qeybaha bulshada muddadii ay xilka hayeen.

Dimuquraadiyadda iyo bani’aadantinimadu waxay yeelan doontaa awood aad u xoogan oo isbeddel-doon ah oo lagu burburinayo xisbiyadii hore ee shaqeyn waayey, si markaa dib loogu dhiso xisbiyo hor leh oo fikirkoodu heer sare yahay, waana billowgii waaritaanka dimuquraadiyadda iyo kacdoonnada isbeddel-doonka ee aaladdaha casriga ah, waxa la dhiiri-galin doonaa raadinta jihooyinka cusub ee lagu xakameynaayo jihooyinka kala duwan ee shaqsiyaadka iyo madaxbannaanida, jihooyinka tartanka doorashooyinka adduunku waxay inoo horseeddi doonnaan jihooyin kale, jihooyinka tartanka doorashooyinka dheelligatirannina waxay ka qeyb yihiin kobaca geeddi-socodka hayaanka la hiigsanaayo, si loo gaadho himmilada cusub ee bar-tilmaameedka u ahayd.

Sidoo kale waxa laga yaabaa in la sameeyo xeerarka la xidhiidha caafimaadka dadweynaha, xeerarka madaniga ah ee dadka muwaadiniinta ah xoriyaddooda iyo hantidooda, ka illaalinaya dowladduhu inay ku xad-gudbaan, iyadoo aan loo soo marinnin nidaamka sharciga ah, Runtana Allaa Og.

Dhinaca Dowladdaha: Dhinaca Dowladuhu qeyb bay ku guulaysataan collaadaha, xaga horumarinta, dhisida nabada, sidoo kale dowladdaha, hay’adaha dowliga ah iyo hay’addaha kale’ba waxa laga fillan jiray in ay sameysan doonaan xeer hoosaadyo u gaar ah, dowladduhuna waxa ay kaga gudbi karaan dhibaatooyinka horyaala xal u heleddooda iyagoo soo saara shaqsiyaadka leh xirfaddaha qarsoon ee hoggaamiyenimo, xafiisyada xidhiidhka iskaashiguna waxay noqon doonaan xafiisyo-guri, dowladduhu waxay gacan weyn ka geysan doonaan hellitaanka dawada lagu daweynaayo iyo dawooyinka lagu xakameynaayo cudurka jiqlaha ee loo yaqaano Covid-19 ee ku faafay adduunka, isla markaana waxa xal loo helli doonaa caqabaddihii horyaalay goobaha addeegyada bulshada, sannadkan aynu sii sagootiyeyno Ayaxii dhashay waxa loo soo diray in uu xaalufiyo dhammaan masuuliyiintii hantida umadda ku iibsaday bustaannada midhaha lagu beero iyagoo isleh way ku xallaalowaysaa haddii dhulka la galiyo hantidaas.

Dhinaca xuduuddaha ee u dhexeeya dowladdaha, qowmiyaddaha, dadka, jinsiyaddaha, dhaqamada ayaa mugdiga gali doona, iskuna milmi doona, waxa la tamaniyayaa in ay tahay billowgii awoodda la saari lahaa dhisitaanka horumarka iyo dhisitaanka biyo-xidheenada, waayo-aragnimaddii laga korodhsaday khatarihii badnaa ee sannadkii teggey ee 2020-kii iyo sannadkan aynu sii sagootiyeyno ee 2021-ka.

Dalka Mareykanka waxa laga fillan jiray in uu ka dhasho halgan isbeddel-doon diimeed, isbeddel-doonka faafreebka warbaahinta iyo xorriyadda hadalka, dagaalkii sokeeye ee uu Mareykanka kula dagaalamayey baabi’inta addoonsiga, waxa barbar socday halganka sinnaanta iyo xorriyadda, kaasoo wakhtigan xaadirka ah ka gaabiyey hawlihii dhaq-dhaqaaqa geedi socodka sinnaanta dadka, ayaa mar labaad dib loo istaadhi doonaa. Runtana Allaa Og

Nollosha Dadku waxay ku sugan yihiin:- Dhinaca nolosha dadka waxa laga fillan jiray in ay sugan yihiin kuwo horseed u noqon doona dhaqdhaqaaqa hawlaha dibedda iyo hawlaha gudaha, qof kastaana waxa uu dareemi doonaa jimicsi, farxad shaqsiyaddeed, hal-abuurnimo, baadhitaannada iyo daba-galka shakhsiyaddeed, la arkee dad tiro badan oo uwadda guntan horumarinta aasaaska gudaha, gaar ahaan dhistaanka nolosha, Runtana Allaa Og…… 

W/Q: Maxamed Faarax Qoti

La Soco Qaybta 2aad……

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com