SOMALILAND Oo Ka Digtay Nooca Cusub Ee Cudurka COVID Oo Si Xawli Ah U Faafaya

Hargeysa (Hayaannews)- Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in aanay haynin qalabka lagu ogaan karo nooca cusub ee xannuunka COVID oo Waddamo badan oo Caalamka ah lagu arkay.

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa bulshada ugu baaqay inay feejignaan dheeraad ah yeeshaan oo ay qaataan tallaalka loogu talo-galay ka-hortagga Caabuqa Coronavirus oo gobollada dalka ka socda isla markaana ay u dhego-nuglaadaan farrimaha Caafimaad ee Wasaaradda.

“Xanuunkii cusbaa ee dunida soo galay ayey wax inagaga soo kordheen, inkasta oo aynaan haynin wax lagu baadho inuu kii yahay, laakiin wixii ku dilaaba waa kuu wed ee kolayba waa COVID, ama ka cusub ha ahaado ama kii hore ha ahaadee, iyadoo xilligan talaal socdo oo Gobollada oo dhan ka socdo.”

“Sidii hore la idinku sheegayna inuu talaalku yahay waxa kaliya ee la og yahay ee lagaga hor tagi karo, waxaanu dadka ku baraarujiynaa in wixii digniino iyo tilmaamo idiinka imanaya Wasaaradda Caafimaadka ee aad aragtaan, inaad u dareertaan,” ayuu yidhi Wasiirku.

Waddamo badan oo dunida ku yaalla, waxa bishii u dambeysay lagu arkay nooc cusub oo caabuqa Coronavirus ah, kaas oo magaciisa lagu sheegay COVID OMICRON, waxaana la sheegay in habka uu u faafayaa ka duwan yahay nooca Covid-19.

Caddaymo hor leh oo ay helayaan khubarada caafimaadka, ayaa muujiyey in nooca xannuunkan oo si xawli ah u faafaya uu xataa ku dhici karo Dadka qaatay tallaalka Covid-19, waxaanay khubaradu sheegeen in caabuqa xannuunkani inta hore u muuqanayo xannuun fudud oo u ekaan kara hargabka caadiga ah.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Mustafe_Janaale(#MJ)

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com