Somaliland Oo Ka Hadashay Digniinta Ingiriiska Iyo Xubnihii Tagay Muqdisho

Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha ee Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, ayaa ka halday digniinta amaan ee dawlada Ingiriisku ay muwaadniinteeda uga digtay Somaliland iyo sida oo kale wasiirda ka tirsanaa xukuumadii madaxweyne Siilaanyo ee Muqdisho tagay.

Waxa uu wasiir ku xigeenka arimaha guduhu uu ugu horayntii warbaahinta ay wax ka waydiisay digniinta amaan ee dawlada Ingiriisku ay muwaadiniinteeda u soo saartay ee ka dhanka ah Somaliland waxa uu yidhi“ Arintaasi dawlada Ingiriiska ayay qusaysaa  iyaga ayaa dadkooda wax u sheegaayay,laakiin xageena nabadgalyo daro aynu ognahay ma jirto, layaab ma laha marka dharaar walba Xamar wiigii walba ay mar ka dhacayaan ama laba ama saddexdii cishaba uu mar qarax ka dhacaayo inay dadkeeda u digto kulamaan yaabin laakiin xageena odayaashu way ina raaciyeen Hargeysa iyo Berbera mooyaane laakiin waa wax iyaga quseeya, waxaan leeyahay dawlada Ingiriiskana dadkooda digniinta ay siinayaan hadda laba dal ayaanu kala nahay oo waanu kala gadisanahaye bal ha ka yara fiirsadaan.”

Sida oo kale waxa ay warbaahintu waydiisay sida ay u arkaan wasiirada ka tirsanaa xukuumadii Siilaanyo ee Muqdisho la sheegay inay tageen“ Inamadaasi waa iska shaqo doon horena waataan idiinku sheegay oo waxay ku danbayn doonaan na saamaxa, iyaga oo soo socda oo soo yaacaya oo codsi cafis dalbanaaya ayaynu arki doonaa oo bari ah, wax la’la yaabana maaha oo arsaaqadu meel walba way taalaa oo dalkeena ayay taalaa  oo nabadgalyo ah, qaraxa maalin walba ka dhacaaya waynu ogsoonahay tagina maayaan Kismaayo ee waxay tagaan waa Xamar, Xamarna qarax ayaa yaala  markaas inay dalkooda iimaansadaan ayay ahayd  arsaaqadu halkan ayay taalaa inay ka sugaan ayay ahayd , shalay ayay wasiiro ahaayeen intaas oo sanadood  inay dharaarba dabayshu meel u qaado maaha.”