Somaliland oo ka Qayb Gashay Madal Kulmisay Waddamada Dunida ugu Awooda Badan

Hargeysa (Hayaannews)- Danjiraha Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Caasimada Taipei, Maxamed Xaaji Maxamuud ayaa ka qayb galay bandhig dhaqameedka ugu weyn ee dalka Taiwan, kaas oo sannadkiiba mar lagu qabto caasimadda dalkaasi, looguna talo galay in dunidu ku fahamto caado dhaqameedyada dadka reer Taiwan.

Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Taiwan Maxamed Xaaji Maxamuud ayaa sheegay in calanka Jamhuuriyadda Somaliland si weyn uga dhex-muuqdo, dariiqyada waaweyn ee dalkaasi isaga oo ka dhinac babanaaya calamada dawladaha waaweyn sida Maraykanka, Midowga Yurub, Faransiiska, Kanada iyo dalal badan oo kale.

Maxamed Xaaji Maxamuud ayaa sheegay in safaarad ahaan ay ku dadaleen sidii dunidu u fahmi lahayd qadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu yidhi “Waxa aan ku dedaalnay in adduunyadu si fiican noola fahamto ahmiyadda Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal dimuqraaddi ah, xasilloon oo ku yaal meel aad u xaasaasi ah oo weliba istaraatiiji ku ah nabadda, siyaadda iyo dhaqaalaha caalamka”.

Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Taiwan Maxamed Xaaji Maxamuud ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay marba marka ka dambaysa noqoneyso cadceed ay adag tahay in sacabka lagu qariyo, gaar ahaan ahmiyadda amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo juqraafi ahaan.