HARGEYSA, Oo Looga Dabaal-degay Xuska Maalinta Saxaafadda Somaliland Iyo Tiradda Suxufiyiinta Sannadkan La Xidhay Oo Gaadhaysa 20-Weriye.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa sheegay inay tirada suxufiyiinta la xidhay sanadkan 2021 ay dhan yihiin 20 weriye,

Hargaysa(Hayaannews): Xaflad loogu dabaal-degayo Xuska Maalinta Saxaafadda Somaliland oo ku asteysan sannad kasta 9-ka Novermber 2021 ayaa maanta lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Maaglada Hargeysa.

Munaasibada si meeqaam sare ah loo soo agaasimay, isla markaana ka duwanayd Xafladihii hore loo qaban jiray, ayaa waxa ka soo qeybgalay Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, Wasiiro, Suxufiyiin rug-cadayaala,Masuuliyiin ka kala socday Saddexda Xisbi qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, Aqoonyahan, Daneeyayaasha Saxafadda Somaliand iyo marti-sharaf kale oo tiro baddan.

Xafladan oo ay soo qabanqaabiyeen Ururka Suxufiyiinta Somalland ee SOLJA, xuska maalinta Saxaafadda Somaliland oo ay ku lamaanayd Abaalmarinta 6-aad Ee Cawke Awards.

Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Sakariye Axmed Muxumed ayaa sheegay in xuska maalintan la qabto sannad kasta 9-ka bisha November oo maanta ku beegan isla markaana la iska xog waraysto xaalada dhabta ah ee Suxufiyiintu ku nool yihiin, Waxaa kale oo Gudoomiyuhu xusay inay Markii 6-aad qabteen abaal marinta Cawke Award, Taas oo ay Saxafiyiinta ka qayb gashay ku tartameen Mawduucyo kala duwan, Waxaa kale oo Gudoomiyaha Solja uu halkaas ka sheegay sida ay mar walba ugu heelan yihiin kor u qaadista aqoonta Suxufiyiinta Somaliland.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa sheegay inay tirada suxufiyiinta la xidhay sanadkan 2021 ay dhan yihiin 20 weriye,iyagoo tilmaamay inay tahay sannadkii ugu yaraa xadhiga suxufiyiintu.

Xogtan ayaa lagu soo bandhigay xuska maalinta saxaafadda Somaliland ee 9-ka November oo maanta sanad-walba la xuso, kaas oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa.

Gudoomiyaha Komiishanka doorashooyinka Somaliland C.rashiid Riyo raac oo Munaasibadaas ka hadlay ayaa uga mahadnaqay Saxaafada Somaliland sidii xil kasnimada lahayd ee ay ula shaqeeyeen Komiishanka Xiligii ay qabsoontay doorashooyinkii isku sidkanaa ee Wakiillada iyo Deegaanka.

Wasiirka Wasaaradaha Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo halkaas ka hadlay ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay Saxaafada Somaliland soo martay tan iyo markii lagu dhawaaqay gooni isu taaga somaliland,Wasiirku waxa uu tilmaamay baahida loo qabo sidii loo kobcin lahaa aqoonta suxufiyiinta Waxaanu Saxafiyiinta Somaliland u soo jeediyey inay yeeshaan Takhasusaad kala duwan oo xidhiidh la leh Cilmiga saxaafada , Waxaa kale oo Wasiir Koore ka dalbaday Warbaahinta Somaliland in ay doorkooda ka qaataan Xoojinta dawladnimada iyo Is aaminaada bulshadda iyo dawladooda isla markaana ka feejignaadaan wax kastoo turunturo ku ah qarankooda.

Sidoo kale Wasiirka Tiknoolajiyadda iyo Isgaadhsiinta Mudane Cabdi-weli Sheekh Cabdilaahi Suufi oo madashaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in Saxaafadda somaliland sida ay Siyaasiyiinta u daba galaan aanay ula Xisaabtamin Ganacsatada.

Gudoomiyaha Hay’adda ka hortaga aafooyinka iyo Kaydka raashinka qaranka Faysal Cali Sheekh ayaa balanqaaday inay hay’ad taakulo raashin siin doonaan Qoysaskii ay ka Geeriyoodeen Suxufiyiin dalka kaalin weyn ku leh horumarka kala duwan ee Somaliland ka hirgalay.

Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici oo gabo gabadii Munaasibadaas ka hadlay ayaa sheegay in Saxaafadda Somaliland iyo Door shariif ah ka soo qaateen marxaladihii kala duwanaa ee ay somaliland soo martay waxa uu madaxweyne ku xigeenku xusay in Warbaahinta Somaliland ay horumar kala gedisan ku talaabsatay Waxaanu bah’da Saxaafadda Somaliland ku hambalyeeyay Xuska maalintan.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu ka dalbaday Warbaahinta in dhawaqooda meesha fog gaadhaya aanu dhib ku noqon Qaranka “Qolada warbaahinta waxaa looga baahan yahay in dhawaqooda meesha fog gaadhaya aanu noqon mid dhib ku ah qaranka,Saxaafadu waxay iska dhigtaa inaan qodoba qabaneen oo danbiguba qabaneen..”

Madaxweyne ku xigeenka JSL Waxa uu halkaasi abaal marino ku gudoonsiiyey Suxufiyiintii ku guulaystay abaalmarinta 6-aad ee Cawke Award.

Waxaa kale oo Munaasibadaas ka hadlay Weriyaha ruug cadaaga ah ee Maxamed Xasan Cali Weji iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Yuusuf Ismaaciil, Xoghayaha abaabulka ee Xisbiga Waddani C.laahi Jaamac (Geel-jire), Xoghayaha arrimaha Gudaha ee Xisbiga Ucid Baashe Cabdi Gaboobe, Afhayeenka Xisbiga Kulmiye C.naasir Buuni iyo Guddoomiyaha daladda Ururada aan dawliga ahayn ee Somaliland ee Sonsaf Anwar Cabdiraxmaan Warsame iyo Xubno kale

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Mustafe_Janaale(#MJ)

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com