SOMALILAND Oo Markii U Horeysay Laga Daah-furay Mashruuc Lagu Maamuusayo Shaqaalaha Dowladda Ee Daacadda Ah

Hargeysa (Hayaannews)- Magaalada Hargeysa ee xarunta Jamhuuriyadda Somaliland waxa maanta lagu daah-furay mashruuc noociisu ku cusub yahay mandaqadda Geeska Afrika, kaas oo loogu talo-galay in lagu maamuuso, laguna dhiirri-geliyo Shaqaalaha dowliga ah ee si hufan oo daacadnimo leh ugu adeega bulshada.

Mashruucan oo Hal-ku-dhiggiisu Astaanta Daacadnimada oo hore looga soo fuliyey in ka badan 10 waddan oo adduunka ku yaalla oo ay fulintiisa iska kaashanayaan ururka maxalliga ah ee ISIR iyo ururka Accountability Lab, ayaa maanta lagu daah-furay magaalada Hargeysa, waxaana furitaanka mashruuca lagu marti-qaaday qaybaha kala duwan ee Saxaafadda dalka, iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha qoyska, ururrada Media-Ink iyo SOYDAVO.

Mashruucan ayaa qayb ka ah Dhaq-dhaqaaq caalami ah oo ay hoggaamiso hay’ad lagu magacaabo Integrity Icon, kaas oo ah mid lagu dhiirri-geliyo Shaqaalaha dowladda Somaliland ee loo aqoonsado inay si daacad iyo hufnaan ah u gutaan shaqadooda.

Kulanka maanta lagu daah-furay munaasibadda, waxa hadallo ka jeediyey Axmed Cali oo ka mid ah masuuliyiinta Mashruucan , waxaanu faahfaahin ka bixiyey Ujeeddada laga leeyahay mashruucan, muddada uu socon doona iyo qaabka ay u dhacayso xulashada shaqsiyaadka hawl-karnimadooda iyo daacadnimadooda shaqada lagu maamuusi doono.

Axmed waxa uu sheegay in mashruucani dalka ka socon doono 6-da bilood ee soo socda iyadoo bulshada qaybaheeda kala duwan loo soo bandhigi doono inay u codeeyaan shaqaalaha dowladda ee hufnaanta shaqo iyo Daacadnimadooda loo bogay.

MUUQAALKAN HOOSE A DAAWO Axmed Cali oo Sharraxaad ka bixinaya ujeeddada Mashruuca:

Mashruucan oo markii u horeysay bilowgiisa laga fuliyey Waddan Nepal ee qaaradda Asia, ayaa xilligan ka tisqaaday 13 waddan, kuwaas ay ka mid yihiin Liberia, South Africa, Maraykanka, Zimbabwe, Marocco, Nigeria, Mali, Mexico iyo Pakistan.

Ujeeddada Ololaha caalamiga ah ee Integrity Icon, ayaa lagu sheegay sidii loo abuuri lahaa dad ku dayasho mudan oo la abaal-mariyo shaqaalaha dawladda ee daacada ah Si loo dhiirigaliyo dhalinyarada, isla markaana loola dagaalami lahaa musuq-maasuqa iyo sinnaan-la’aanta oo ku yimaadda daacadnimo la’aan ka jirta Shaqada gudaheeda

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com