HAYAANNEWS.NET
Somaliland Oo Markii Ugu Horreysay Laga Hirgeliyay Dawaarle Casriya OoLagu Magacaabo Elite Tailor DAAWO SAWIRADAN
March 14, 2019 - Written by editor editor
“Elite Tailor waa
Dawaarle Casriya oo Sameynayaa Cabirkasta oo dhara iyo noockasta oo aad loo
baahan yahay”
Hargeysa(Hayaannews): Caasimada
Somaliland ee Hargeysa ayaa markii ugu horreysay laga furay Dawaarle Casriya oo
lagu magacaabo “Elite Tailor”,kaas oo ku yaala Xaafada Jigjiga yar gaar ahaan
ka soo horjeedka Jaamacadda News Generation.
“Waxaan ugu
bushaareynaynaa dadweynaha reer Somaliland inaan u furnay Dawaarle Casriya oo
lagu magacaabo “Elite Tailor”. Dawaarlahani waxa uu umadda u tolayaa
Suudhadhka, Safaariyadda, Saraawiisha, Shaadhadhka, Suudh-safaariyadda,
Khamiisyada, Dharka qalin-jebinta Jaamacaddaha, Direysyada Iskuullada,Direysyada
Ciidamadda, Direysyada Shirkadaha,”.Ayuu yidhi Khabiirka dharka ee Dawaarlaha
Elite Tailor Maxamed Cabdo Cali oo muddo dhowr iyo soddon sanadood wax
tolayay.
Mar uu ka hadlayay
arrimaha dharka haweenka waxa uu yidhi “Waxaanu ugu bushaareynaynaa
dumar-weynaha reer Somaliland inaanu u toli-doono nooc-kasta oo dhar ah oo ay
dalbadaan, haday tahay Cabaayadaha, Toobabkii, iyo nooc wal oo ay u baahdaan ee
ha moogaaniina”.Ayuu yidhi Maxamed
Dawaarlahan Casriga ah
Elite Tailor waxa la keenay qalab casriya, isla markaana waxa jooga shaqaale
khibrad iyo waayo-aragnimo dheeraad ah u leh shaqada,Sidoo kale waxa yaala dhar
tayo leh oo qiimo baddan,kuwaas oo raali-gelinayaa macaamiisha jecel inay
toshaan dhar leeg cabir ahaan, iyo dookh ahaanba
“Waxaan ummadda ugu bushaareynaynaa inaanu u sameynayno Cabirkasta,Ceynkasta oo dookhooda ah oo ay naga tolonayaan,qiimuhuna wuu raali-gelin doono, Hamoogaanina Dawaarlaha Elite Tailor, Ballanteenu waa Elite Tailor”.Ayuu yidhi Maxamed Cabdo.
Mustafe-Janaale
Hayaannews,Office
Hargeysa, Somaliland
Related
COMMENTS