“SOMALILAND: Qorshaha Wanaagsan Ee Horumarinta Waxbarshada Deeganada Miyiga” Busiweek

 “Somaliland oo miisaaniyad culus u dejisay baahiyaha adeegyada asaasiga ah ee dugsiyada ka baxsan” busiweek

Hargewysa (#Hayaannews)- Wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa u qoondeysay US $ 1.1 milyan oo dollar mashruuca horumarinta waxbarshada degaanada miyiga, kaas oo lagu bartilmaameedsanayo in adeeg waxbarasho la gaadhsiiyo ilaa 7500 arday oo cusub sanadkan.

Qorshahan ayaa sidoo kale ay qayb ka tahay in lagu daro 100-ka iskuul oo hore loo dhisay sannadkii dhammaaday ee 2020-ka kuwaasi oo maalgelin ka helay Xukuumadda Somaliland, shirkadaha gaarka loo leeyahay, iyo deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Axmed Maxamed Diiriye Cige, oo hadal ka jeediyay dabaaldegga xuska maalintii sadexaad ee tacliinta aduunka, ayaa sheegay in xukuumada Somaliland ay hir-gelinayso 31 iskuul oo cusub kuwaasi oo laga dhisayo deegaanadda miyiga ee dalka.

Xukuumadda Somaliland waxa kale oo ay shaqaalaysiin doontaa 300 oo macallimiin cusub ah, sidoo kalena waxa ay tababari doontaa ilaa 2000 oo macalin oo dheeraad ah.

Wasiirka ayaa isla waqtigaas sheegay in wasaaradiisu ay soo iibsatay qalab ay tiradiisu dhantahay 4,000 oo xabbo, kuwaasi oo ku shaqayn doona tamarta cadceedda.

Qalabkan ayaa loogu talo galay in casharro lagu siiyo ardayda dhagoolayaasha ah, casharadaasi oo ku bixi doona luuqadda dhegoolaha iyo dugsiyo guurguura oo loogu talogalay carruurta reer guuraaga ah si ku meel gaadh ah.

Sida laga soo xigtay Xukuumadda, boqolkiiba 40% carruurta Somaliland ee gaadhay da’da iskuulka ayaan haysan fursad ay ku helaan waxbarashadda aasaasiga ah.

Dhinaca kale, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres, oo ka hadlay xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Waxbarashada adduunka ayaa yidhi ”Waxbarashadu waa aasaaska ballaadhinta fursadaha, isbeddelka dhaqaalaha, la dagaallanka dulqaad la’aanta, ilaalinta meeraheenna iyo gaadhitaanka Yoolalka Horumarka Waara.”

Xoghayuhu waxa uu intaas ku daray ‘Waa in aynu xaqiijino buuxinta sanduuqa Iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarashada, lana xoojiyo iskaashiga waxbarashada adduunka.”

Jamhuuriyadda Somalialnd in kasta oo ay xaqiijisay bixinta waxbarasho loo wada siman yahay, haddana waxay dejisay yool ay ku hubinayso in tirada carruurta ee aadaya iskuullada ay tiradoodu korodho, isla markaana tayada waxbarashadu kor u kacdo.

 

 

#Mustafe_Janaale

#Hayaannews, Office

Email: Hayaannewssoma@gmail.com