SOMALILAND: Sarkaal Ka Tirsanaa Wasaarada Waxbarashada Oo Midi Nafta Lagaga Jaray

Hargeysa(Hayaannews): Alle ha u naxariiste Xamse Maxamuud Nuur (Xamse-JIIR) ayaa caawa gacan ka xaq-darani ku dishay Xaafada Axmed Dhagax ee Magaalada Hargeysa.
Sidaa waxa Shabakada Wararka ee Hayaannews u xaqiijiyay mid ka mid ah ehelada Marxuumka oo aan khadka telefoonka kula xidhiidhnay, Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay Taliska Ciidamada Booliska Somaliland oo la xidhiidha dilka marxuumkan.

Hasayeeshe wararka na soo gaadhaya ayaa waxay sheegayaan in gacan ku dhiigluhu uu marxuumka la dhacay midi oo uu nafta kaga gooyay, Ilaa imika lama garanayo waxa sababay dilkan marxuumka.

Alle ha u naxariiste Marxuum Xasme Maxamuud Nuur ayaa waxa uu ka tirsanaa kormeerayaasha Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska gaar ahaan Gobolka HAWD.

Bahda Shabakadda Wararka ee Hayaannews waxay tacsi u dirayaan Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhammaan bahda Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Soomaaliland ee uu ka baxay Alle u naxariiste Marxuum Xamse Maxamuud Nuur oo caawa oo ay taariikhdu ahayd 29.3.2021 gacan ka xaq-darani ku dishay Magaalada Hargeysa.
Marxuunka ILAAHAY ha ugu deeqo oo ha ku Casuumo Janatul Fardowsa.
Allaahuma Aamiin


#Hayaannews, Office
Hargeysa, Somaliland