|
|||||
HAYAANNEWS.NET
#Somaliland: Sharciga ayaa Qeexay Qaabka loo Xulayo Xubnaha Komishanka ee ha la Joojiyo Qardo-jeexa iyo Qaylada Badan
October 25, 2019 - Written by adminQaabka loo soo xulayo, loona magacaabayo xubnaha ka mid noqonaya Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo shuruudaha looga baahan yahayba, waxa si cad loogu qeexay si cad loogu qeexay qodobbada 11-aad iyo 12-aad ee Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Degaannada ee Xeer Lr. 20/2001, halka sidoo kale qodobka 13-aad ee isla xeerkani uu tilmaamayo qaabka xilka lagaga qaadi karo xubnaha Guddida Doorashooyinka. Sida sharcigu dhigayo, xubnaha Komishanku way ka soo gudbeen dhinacyada xeerku waajibiyey inay soo xulaan oo ah labada xisbi mucaarid ee WADDANI iyo UCID, Golaha Guurtida iyo Madaxweynaha, waxayna arrintoodu hadda hortaalaa Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland oo sharcigu siiyey inay leeyihiin awoodda ugu dambaysay ee lagu hubinayo xubnaha loo soo xulay Komishanka Doorashooyinka, si ay u ansixiyaan xubnaha soo magacaabistoodu waafaqsan tahay shuruudaha xeerku qeexay, kuwa aan waafaqina ay dib u celiyaan, si loogu soo beddelo cid kale oo xeerku ogol yahay. Qodobka 11aad 1. Komishanku wuxuu ka koobnanayaa 7 xubnood, oo kala ah: Qodobka 12aad 1. Waa inuu yahay muwaadin Somaliland u dhashay. Sida ku cad labadan qodob ee sare ku xusan iyo farqadaha ka sii farcamay, waxa muhiim ah in Golaha Wakiilladu ay si fiican oo sharci u qiimeeyaan, baadhaan, una hubiyaan in xubnaha cusub ee Guddida Doorashooyinka ay wada buuxiyeen dhammaanba shuruudaha xeerku waajibiyey, iyadoo aan si gaar ah loo eegin uun inay ka tirsan yihiin ama xilal ka hayaan xisbiyada, balse waa in ansixintooda lagu saleeyo dhammaanba shuruudaha laga doonayo oo ay ka mid yihiin in xubinta ka mid noqonaysa Komishanku ay ku sifawday dhawrsannaan, sharaf iyo caddaalad bulshada dhexdeeda ah, halka sidoo kale ay muhiim tahay in si gaar ah fiiro loogu yeesho inay caafimaad ahaan fayawyihiin jidh ahaan iyo maskax ahaanba. Haddaba, maadaama uu sharcigu qeexay shuruudaha ay tahay inay buuxiyaan xubnaha Guddida Doorashooyinku, isla markaana ay hadda horyaalaan Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland waa in la iska yareeyo buuqa aan faa’iidada badan inoo lahayn, lagana fogaado wax kasta oo qardo-jeex ah, laguna hareer marayo sharciga inoo yaal. Suxufi Maxamed Cirro Hayaannews, Office Hargeysa, Somaliland ![]() COMMENTS
|
|||||
|