SOMALILAND: Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil Oo Xorriyadiisi Helay.

Harageysa(Hayaannews): Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil, oo ka mida culimada waa-weyn ee reer Somaliland ayaa caawa laga sii daayay Xabsiga Magaalada Hargeysa, kadib markii uu xidhnaa Afar caano-maal,

Sidaa waxa Shabakada Wararka ee #Hayaannews u xaqiijiyay mid ka mid ah qoyska Sheekh Maxamed Ismaaciil oo aan la xidhiidhnay, illaa hada Xukuumadda Somaliland iyo laamaha ammaanka midkoodna faah-faahin kama bixin sababta loo xidhay Sheekha.

Qoyskiisa Xubno ka tirsan, ayaa ka hadlay markii Isniintii toddobaadkan la xidhay Sheekha, iyagoo sheegay inaanay garanayn sababta loo xidhay Sheekh Maxamed.  Balse caawa ayuu xorriyaddiisa dib u helay, sida warar Xubno Qoyskiisa ka mid ahi Warbaahinta qaarkeed u xaqiijiyeen

Sheekh Maxamed Ismaaciil ayaa waxa hore looga soo saaray Magaalada Ceerigaabo, waxaana lagu eedeeyey inuu tagay Magaalada Badhan sida uu isagu hore u sheegay.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com