#SOMALILAND: Shirkadaha Boodhari Mills iyo Indho-birta Oo Iska Kaashanaya Ballaadhinta Adeegga Korontada iyo Suuqeynta Wax-soo-saarka

Hargeysa (Hayaannews)- Shirkadaha Boodhari Mills iyo Indho-birta ayaa maanta magaalada Hargeysa ku kala saxeexday heshiis ku saabsan Suuq-geynta wax-soosaarkooda iyo Iskaashi dhinaca adeegga Korontada ah oo suurta-galinaya  hirgelinta mashruucii ugu ballaadhnaa ee Tamarta Korontada oo isku xidhaya magaalooyinka Hargeysa iyo Abaarso.

Heshiiska Iskaashiga Tamarta iyo suuq-geynta oo Shirkadda Indho-birta ay masaafo 18km ah oo isku xidhaya magaalada Hargeysa iyo deegaanka Abaarso kaga hirgelinayso Adeegga Korontada.

Shirkadda Boodhari Mills ayaa deegaanka Abaarso ka hirgelisay wershad soo saarta Daqiiqda, kaas oo lagu tilmaamay Maalgeshigii ugu ballaadhaa ee la-wada leeyahay oo Somaliland laga hirgeliyo. Halka Shirkadda Indho-birtu ay ka mid tahay shirkadaha ugu waaweyn ee bixiya adeegga Korontada ee Caasimadda Hargeysa.

Munaasibadda heshiiska labad dhinac oo maanta ku qabsoomy Hotel Maansoor ee Hargeysa, waxa ka qayb-galay masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland, siyaasiyiin, Salaaddiin, Ganacsato iyo Marti-sharaf kale.

Daah-furka heshiiska mashruucan, waxa si faahfaahsan sharraxaad uga bixiyey Guddoomiyaha Shirkadda Boodhari Mills iyo Guddoomiyaha Shirkadda National Group of Companies (Indho-birta).

Ugu horeyn, Guddoomiyaha Shirkadda Boodhari Mills Cabdiraxmaan Sheekh Axmed Nuur oo ugu horeyn hadal ka jeediyey daah-furka heshiiska, ayaa faahfaahin ka bixiyey sababaha keenay inay shirkad ahaan qayb ka noqdaan heshiiskan iyo midho-dhalka laga filayo mustaqbalka.

“Haddii aan ka hadla Maxay Boodhari Mills muhiim ugu tahay inay shirkadda Indho-birta heshiis la gasho waxa weeyaan; indho-birtu waxay soo saartaa 1.5 mega watts koronto ah ayay ka soo saarta tamarta qorraxda, taasi waxay ka dhigantahay inay soo saarto shirkadda Boodhari Mills Laydhka ay u baahan tahay Libin-laabkeed. Markaa waxa kaliya ee hortaagan inaanu annagu helno tamartaas Jaban ee shirkaddu soo saarto ee ka dhimani waxa weeyaan Kaabayaasha ama Xadhig la soo jiido oo la gaadhsiiyo ilaa Abaarso. Taasna waanu weydiisannay dowladda ruqsad, shirkadduna way ka codsatay in arrinkaa loo fududeeyo,” Sidaas ayuu yidhi Cabdiraxmaan Sheekh Axmed Nuur.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Tamartaasi waxay keenaysaa waxyaabo badan oo horumar ah Abaarso iyo wixii ka sii shisheeya ilaa la gaadhsiin karo Gabiley iyo Wajaale.”

Guddoomiyaha Shirkadda National Group of Companies (Indho-birta) Maxamed Xuseen Cabdi ayaa sheegay inay mashruucan fulinayaan saddex shirkadood oo ka shaqeeya Adeegyada Korontada, Shidaalka iyo Cuntada, waxaanu ballan-qaaday inay shacabka Hargeysa heli doonaan Adeeg koronto oo tayo iyo qiimo jaban leh.

“Heshiiskani wuxuu ka kooban yahay saddex shirkadood oo isku tagay, Korontada, Shidaalka iyo Cuntada. Waxaanu heshiis ku galaynaa shirkadda Boodhari Mills suuq-geynta iyo Qaybta  Korontada oo aanu gaadhsiinayno Abaarso. Waxaanu dhiirri-gelinaynaa dhammaan shirkadaha iyo wershada oo laydhku dhiig-bax ku yahay. Shirar badan ka badan waxaanu isla garanay inaanu iska kaashanno masaafad 18km ah, taasna waxaanu u galaynaa horumarka dalka,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha shirkadda National Group of Companies.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Shirkadaha waxaanu u ballan-qaadaynaa inaanu siinno laydh fiican oo tayo leh siinno qaybta wershadaha. Waxaanu soo wadnaa qaybta adeegga Korontada oo laga dhalinayo Qorraxda iyo Dabaysha.”

Masuuliyiin ka kala socday shirkadaha kala saxeexday Heshiiska lagu hirgelinayo mashruucan oo munaasibadda ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey muhiimadda uu bulshada Hargeysa u leeyahay mashruuca ballaadhinta adeegga Tamarta Korontada ee labada shirkadood iska kaashayaan.

Waxa kale oo munaasibadda weedho ay ku soo dhaweynayaan iska kaashiga labada shirkadood ka jeediyey salaadhiin uu ka mid yahay Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi, Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan, Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub.

Ugu dambayntii, waxa munaasibadda ka hadlay Agaasimaha Guud ee Komishanka Tamarta Somaliland oo soo dhaweeyey heshiiska iskaashi ee dhexmaray labada shirkadood oo uu sheegay inay Guddi ahaan kala shaqayn doonaan, kana caawin doonaan hirgelinta mashruucan.

“Waxaan soo dhaweynayaa iskaashiga labada shirkadood ee dhinaca horumarka loo samaynayo ee ay is-dhaafsanayaan adeegyada ay bixiyaan,” ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray, “Komishan Tamar ahaan, annaga oo fulinayna qorshaha Qaranka, waxaanu ka shaqaynayaa inay bulshadu hesho korontada ay u baahan tahay oo bad-qabta, koronto qiimo macquul ah dadka ku gaadha iyo koronto laysku hallayn karo. Waxaanu kala shaqayn doonaa in korontada ay baahan yihin gaadho, iyadoo Injineerrada Komishanku u eegayaan hab-raacyada iyo hagayaasha ay dowladdu ugu talo-gashay, si laydhkaasi u noqdo mid bad-qaba, bilicda oo ay wanaajiyaan, heerkii aan dowlad ahaan ugu talo-galnayna gaadha”.

Heshiiska Iskaashi ee dhexmaray labada shirkadood ayaa ku saabsan sidii shirkadda National Group of Companies (Indho-birta) u suuq-geyn lahayd wax-soo-saarka Wershadda Bodhari Mills, halka shirkadda Boodhari Mills Qayb-laxaad leh ka Qaadanayso ballaadhinta Adeegga Korontada ee ay Bixiso Shirkadda Indha-birta oo la gaadhsiinayo deegaanka Abaarso oo ay ku taallo wershadda Boodhi Mills oo ah maalgeshi ay ku midoobeen muwaadiin Soomaaliyeed oo dunida dacalladeeda ku kala sugan.

#Mustafe_Abdi_Maxamed (#Mustafe_Janaale)

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com