SOMALILAND: Taariikhda Halganka iyo Hiilkii Professor Eid oo ku Suntan 1981-kii ilaa 2021

Mujaahid Prof Iid Cali Salaan oo ah aqoonyahan reer Somaliland ah ayaa kaalin mug leh ka soo qaatay sooyaalka taariikheed, dib u dhiska iyo horumarka Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kale sannadkii 1989-kii waxa uu hormuud ka ah olole ballaadhan oo daaha ka fayday xasuuqii iyo hagardaamadii taliskii Siyaad Barre u gaystay shacabka.

Professor Eid Ali Salaan waa halgamaa kaalin weyn ka soo qaatay horumarka shacabka Somaliland, laga soo bilaabo ilaa 1981-kii oo uu ka mid ahaa dhalinyaradii asaastay ururkii UFFO, waxa uu ka soo qayb qaatay halkankii hubaysnaa ee ururkii SNM dalka kaga xoreeyay rajiimkii kali-talisa ahaa Maxmed Siyaad Barre.

Professor waxa uu ka mid ahaa dhalinyaradii asaastay ururka UFFO oo lagaga dhawaaqay magaalada Hargeysa 1981-kii, dhalinyaradaasi oo ah kuwii shiday iftiinkii ololihii iyo kacdoonkii lagaga soo hor jeestay hagardaamooyinkii iyo cabudhintii taliskii Milatariga ahaa.

July 1988-kii Prof Iid waxa uu dalka Ingiriiska ka bilaabay hawl-gallo iyo olole ballaadhan, kaas oo uu doonayay in uu caalamka tuso isla markaana u xaqiijiyo xasuuqii xuuqii lagu hayay shacabka reer Somaliland, waxaanu Professor-ku dedaal dheer u galay sidii uu Baarlamaanka Ingiriiska u soo hor dhigi lahaa caddaynta xasuuqaasi, isaga oo aakhirkiina ku guulaystay arrintaasi, kadib markii uu ka midho dhaliyay xidhiidhkii uu la sameeyay xildhibaan Alun Michael oo ka mid ahaa mudasnayaasha Baarlamaankaasi oo laga soo doortay Cardiff, kaas oo daaha-fayday dhacdadaasi.

Sida ka muuqata sawirkan oo lagu qaaday xarunta Baarlamaanka Ingiriiska, taariikhdu markay ahayd July 1988, xilligaas oo xildhibaan Alun Michael uu daboolka ka qaaday xasuuqii lagu hayay dadka reer Somaliland.

Professor Eid waxa ku guuleystay in uu ku qanciyo Alun Muchael sidii qadiyada xasuuqa loo hor-geyn lahaa Baarlamaanka Ingiriiksa, taas oo hirgashay July 1988, sida ka muuqata sawirka Professor Eid iyo xildhibaan Alun, kaas oo ay ku wehelinayeen alle how naxaristo: Xaaji Yuusuf Cabdillaahi, Cali Drabulys Sheekh Axmed, Cabdi Cismaan, oo dhamaantood ka soo jeeday Cardiff, Wales.

Xildhibaan Alun Muchael ayaa ahaa Xildhibaan laga soo doorto Cardiff oo ah halka uu deganaa Professor Eid, sidoo kale waxaa Waa xildhibaankii aasaasay Kooxda Baarlamaanka UK ee All Partyee u ololeeya qaddiyada Somaliland, waxaanu yimid Somaliland sanbadjuu 2007-kii isaga oo madax ka ah xubno ka tirsan baarlamaanka UK.

Professor Eid, ka sokow hawl-karnimadiisa iyo halgankiisa taariikheed oo ku caaamadsan muddo ka badasn 40 sannadood oo uu kaalin weyn ku lahaa horumarka iyo dhismaha dalka Somaliland, waxa sannadkii 2018-kii loo aqoonsaday, isla markaana loo doortay inuu yahay shakhsiga toddobaad ee boqolka qof ee ugu saamayna badan dadka Madow ee Wales.

Professor Eid Cali Salaan waxa uu kaalin firfircoon ka qaatay horumarka kala duwan ee ay ku tallaabsatay Somaliland soddonkii sannadood ee ay jirtay.

Eid Cali waxa uu kaalin weyn oo firfircoon ka qaatay hawlaha samo-falka iyo caawinta dadka nugul, gaar ahaan arrimaha gargaarka iyo daryeelka ee dadka maskaxdas xanuunsanaya, Somaliland Mental Health Support.

Sidoo kale Professor Eid Axmed waxa uu aasaaska Golaha Qaxootiga Wales (WRC), si ay kaalmo iyo caawimo u siiyaan dadka magan-gelyo doonka ah. Isaga oo ahaa ku xigeenka madaxa fulinta.

Professor Eid Axmed, sidoo kale, tan iyo markii Jamhuuriyadda Somaliland ay xorriyadeeda dib ulla soo noqotay waxa uu u ololaynayey qadiyadda madaxbanaanida qarankiisa, waxaanu dedaal badan iyo juhdi

Prof Eid Cali waxa uu bandhigay qorshihii ugu horreeyay abid ee Baanka dhexe ee Somaliland oo uu ku nashqadeeyay Hargeysa 2017.

Professor Eid waa cilmi baadhe iyo lataliyaha maamulka, ganacsiga iyo horumarinta iyo tababare khibrad sare leh. Sidoo kale Eid waxa uu khibrad ballaadhan u leeyahay arrimaha bangiyada caalamiga. Iid waxa uu waxbarashadiisii heerka koowaad ku dhammaystay dalka Maraykanka, waxbarashadiisa sarena waxa uu ku qaatay dalka Ingiriiska, waxaanu ka qaatay BSC xagga xisaabaadka, BA ee dhaqaalaha, MBA, PGCE, iyo Professional Banking Diploma oo uu ka qaatay machadka bangiyada UK oo hadda loo yaqaan UK Institute of Financial Services.

Prof. Eid hadda waa la-taliyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland iyo xidhiidhiyaha qaybta maamul-wanaagga ee qorshaha horumarinta qaranka.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com