SOMALILAND: Tirada Maxaabiista iyo Hubka Lagu Soo Qabtay Dagaalkii Cuslaa Ee Mar Kale Ka Qarxay LAASCAANOOD

Laascaanood(Hayaannews):- Dagaal culus, ayaa maanta mar kale ka qarxay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool iyo deegaanno ka baxsan magaalada oo Sool ka tirsan.

Ciidammada Somaliland, ayaa sheegay in saaka 4-tii aroonimo fadhiisimmadooda ay ku soo weerareen Ciidammada Maamul-goboleedka Puntland, kuwa deegaanka iyo huwanta kale ee Alshabaab qaybta ka tahay. Haseyeeshee, waxay Taliyeyaasha Ciidammada Qaranka Somaliland sheegeen inay iska difaaceen weerarka oo mid culus ahaa.

Wasaaradda Gaashaadhigga Somaliland iyo qaar ka mid Taliyeyaasha Ciidammada Somaliland, ayaa ku eedeeyay dhinaca ka soo horjeeda inay dagaal ku soo qaadeen fadhiisimaha Ciidammada ee gobolka Sool.

Ciidammada Somaliland, waxay soo bandhigeen Maxaabiis iyo Saanad Ciidan oo dagaalka ku qabteen, iyaga oo dib u riixay Huwanta weerarka ku soo qaadday fadhiisimada Ciidammada Qaranka Somaliland ee gobolka Sool.

Haddaba, Warka Ciidanka Qaranka Somaliland bixiyey, Maxaabiista iyo Hubka la qabtayba, waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com