SOMALILAND: Tiradda Kiisaska Kufsiga iyo Tacadiyadda Xuquuqda Aadanaha oo Sannadkii 2020 si Weyn u Kordhay

Sool 37 Maroodi-jeex 25 Togdheer 25 Saaxil 17 Awdal 14 Sanaag 13 Sarraar 7 Gabiley 4 guud ahaan 142 Kufsi”

Hargeysa (Hayaannews)- Boqol iyo laba iyo afartan kiis oo kufsi ah ayaa ka dhacay deegaannada Jamhuuriyadda Somaliland, sannadkii lasoo dhaafay ee 2020, sida lagu sheegay daraasad fal-dambiyeedyada ku saabsan oo ay soo saartay guddida Xuquuqal Insaanka Qaranka.

Sidii kale,waxa sannadkii ina dhaafay ee 2020-ka komishanka xuquuqal iinsaanka qaranka Somaliland soo galay 101 cabasho, oo ka dhan arrimaha xuquuqal iinsaanka. Halka ay sanadkii hore ka ahayd boqol iyo dhawr cabasho, iyadoo dhamaanba cabashooyinkaasi uu komishanku kaga hawl galay baadhis.

Sidaasina waxaa sheegay agaasimaha guud ee komishanka xuquuqal iinsaanka qaranka Somaliland Cabdisamad Sacad, oo shalay ka hadlayay munaasibad ay komishanka xuquuqal iinsaanka qaranku ku soo bandhigayeen war-bixin la xidhiidha waxqabadkoodii sanadkii tegay ee 2020-ka.

“Komishanka waxaa sannadkii 2020-kii soo galay 101 cabasho, oo ka dhan arrimaha xuquuqal iinsaanka. Halka ay sanadkii hore ka ahayd boqol iyo dhawr cabasho. Waxa uu komishanku cabashooyinkaasi kaga hawl galay sida baadhis” ayuu yidhi C/semad Sacad.

Agaasimaha komishanka xuquuqal iinsaanka qaranka Somaliland Cabdi-samad Sacad, ayaa ku baaqay in saldhig boolis oo ku yaalla magaaladda Laascaanood uu wax ka qabasho deg deg ah u baahan yahay.

Saldhigaasi oo uu ka dayriyay dhibaatadda ay ku qabaan dadka lagu xidho. Waxaanu yidhi, “Waxyaabaha aynu u baahan nahay waxaa ka mida dhanka saldhigyadda booliska oo aynu u baahan nahay in aynu wax badan ka bedelno.

Tusaale haddii aynu soo qaadano magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxaa jira saldhig la yidhaahdo saldhiga Waddnaha, wuxuu u baahan yahay, oo aanu baaq dheer u jeedinaynaa in muhiimadda koowaad la siiyo sanadkan, saldhigaa sidii wax looga qaban lahaa”.

Waxa kaloo uu sheegay in ay kormeerro ku soo sameeyeen xabsiyadda, xarumaha Cilaajyadda iyo goobo kale.

Agaasimaha ayaa sidoo kale ka warbixiyay horumaradda ay sanadkii tegay sameeyeen ay ka mid tahay maxaabiis fara badan oo ku jiray xabsiga dhexe ee Hargaysa oo waxbarasho sare helay.

“Waxyaabaha kale ee sanadkan komishanka u hirgalay waxaa ka mid ahaa kormeeridda xabsiyadda iyo goobaha kale ee carruurta lagu dhaqan celiyo ama Cilaajyadda.

Waxaan mar labaad aad iyo aad ugu mahad naqayaa taliska ciidamadda booliska iyo asluubta, sida wanaagsan ee ay wada shaqaynta u leeyihiin komishanka xuquuqal iinsaanka qaranka, mar walbana ay noogu suuro geliyaan in aanu gudano waajibaadkayaga” ayuu yidhi agaasime C/semad.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “132 maxbuus ayaa ka qalin jebiyay xabsiga dhexe ee Hargaysa oo ay ku xidhnaayeen, kuwaasoo bartay duruus kala duwan. Iyadoo ay iska kaashadeen ciidanka asluubta, wasaaradda cadaaladda iyo jaamacadda Beder”.

Geesta kale Tiradda kiisaska Kufsiga ah ee Somaliland ka dhacay sanadkii tegay ee 2020-ka ayaa si weyn kor ugu kacay, marka la bar-bar dhigo sanadihii ka horeeyay.

Iyadoo guud ahaanba tiradda kiisaska Kufsiga ee dhacay sanadkii 2020-ka ay ahaayeen 142 Kufsi oo ka kala dhacay goboladda dalka.

Sida lagu sheegay warbixin-sanadeed ay soo saareen komiishanka Xaquuqal Insaanka Somaliland, warbixinta ayaa lagu faahfaahiyay tiradda kiisaska Kufsiga ah eek a dhacay gobola kasta.

“Sool 37 Kufsi, Maroodi-jeex 25 kufsi, Togdheer 25 Kufsi, Saaxil 17 Kufsi, Awdal 14 Kufsi, Sanaag 13 Kufsi, Sarraar 7 Kufsi, Gabiley 4 Kufsi.

Guud ahaan tirada kufsiyadda ka dhacay Somaliland sanad kii tagay ee 2020-ka, waa 142 Kufsi” ayaa lgu yidhi warbixintaasi.

Dhinaca kale, guddoomiyaha komishanka xuquuqal iinsaanka qaranka Somaliland Maxamed Baaruud Cali, ayaa bogaadiyay haayadaha kala shaqeeya arrimaha xuquuqda aadanaha.

Taliyaha ciidamadda asluubta Somaliland sareeye guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax), ayaa isna sheegay in maxaabiista ugu badan ee ay xabsiyadda dalka ku hayaan ay yihiin dhalinyarro.

Waxaanu yidhi, “80% dadka gacanta lagu hayaa, ama 75% waa dad ka yar 20 jir. Danbiyadda ay soo galena ay tahay Moobil ay boobeen, qof ay waxyeeleen, iyo waxyaalo caynkaas ah”.