SOMALILAND: U-jeedada Wefti Culus Oo Ka Socda Dowladda Maraykanka Oo Socdaal Ku Yimi Hargeysa.

Hargeysa (Hayaannews)- Wefti Miisaan Culus oo ka socda Goleyaasha Wakiillada iyo Guurtida ee dalka Maraykanka, ayaa maanta soo gaadhay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Weftiga ka socda dowladda Maraykanka ayaa ka kooban Afar xubnood oo isugu jira Laba Mudane oo ka tirsan Aqalka Wakiillada iyo laba xildhibaan oo ka tirsan Aqalka Odayaasha, kuwaas oo uu xubin ka yahay murashaxii hore ee Jagada madaxtinimada dalka Maraykanka Lindey Graham oo ah Senator ka tirsan Congress-ka Maraykanka.

Weftiga oo ah kii ugu heerka sarreeyey ee dowladdda Maraykanku u soo dirto Geeska Afrika muddo 10 sanno, ah sida uu sheegay Brian Stelter oo ah wariye ka tirsan warbaahinta CNN, ayaa ah mudneyaal ka tirsan Guddiyada Xidhiidhka arrimaha Dibada ee Goleyaasha Congress-ka iyo Senate-ka ee Maraykanka oo ay weheliyaan Guddida Ilaalinta Xidhiidhka Dibadda, La-taliyayaal sarsare iyo sida oo kale qareenno sare oo ka tirsan Aqalka Cad ee Maraykanka.

Weftiga ayaa la filayaa inay kulamo la qaataan Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, iyaga oo sida oo kale muddada ay joogaan booqan doona goobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dekedda iyo garoonka caalamiga ah ee Berbera.

Socdaalka weftiga xildhibaannada Maraykanka ayaa la rumaysan yahay inuu salka ku hayo Xaqiiqo-raadin ay ugu kuur-galayaan xaaladaha dhabta ah ee Somaliland, kaddib markii mid ka mid ah Xarumaha lagu jaan-gooyo arrimaha siyaasadda dibadda Maraykanka oo lagu magacaabo Heritage Foundation oo lagu soo bandhigay warbixin dowladda dalkaas ugu baaqaysa inay wax weyn ka beddesho siyaasaddeeda mandaqadda Geeska AFrika isla markaan ay indho-gaar ah u eegto Jamhuuriyadda Somaliland oo xilligan bartilmaameed u ah quwadaha adduunka oo caddeeyey sida ay u danaynayaan xidhiidho iyo heshiisyo ay la yeeshaan Somaliland oo ay u arkaan inay ku taallo ubucda dhulka ugu istaraatajisan mandaqadda Geeska Afrika.

Socdaalka weftigan culus ee Mareykanka ayaa ka danbeeyey,kadib markii Wasiirka Arrimaha Dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Essa Kayd Mohamud Raagsaale uu dhawaan Socdaal ku tagay dalka Mareykanka.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com