SOMALILAND: U-jeeddada Taliyaha Ciidammada Maraykanka Ee Qaaradda Afrika Africom Oo Socdaal Ku Yimi Hargeysa Iyo Kulankii Madaxweyne Biixi.

“Booqashada Jeneral Stephen Townsend waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca adkaynta seeska iskaashiga ka dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka, waxaanay ka turjumaysaa in bog cusub u furmay”

 Hargeysa(Hayaannews):-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ku soo dhaweeyey Somaliland Jeneral Stephen Townsend, Taliyaha Taliska Ciidammada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), si wada-tashi looga sameeyo horumarinta danaha labada dhinac ee ammaanka Bariga Afrika. Jeneral Townsend, oo ah sarkaalkii ugu sarreeyey Ciidammada Maraykanka ee soo booqda Somaliland ilaa iyo 1991-kii, waxa ku wehelinayey booqashadiisa Safiirka Maraykanka, Larry André, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dawladda Maraykanka.

Waxaanu Madaxweynuhu uga mahadceliyey weftiga safarka ay ku yimaadeen Somaliland waxaanu u sheegay inay soo dhawaynayaan iskaashiga dhinacyada Amniga iyo Militriga ee labada dal ee Somaliland iyo Maraykanka. Intii uu socday kulanka labada dhinac ku dhex-maray Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Cigaal ee magaalada Hargeysa, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu xusay, “In booqashada Jeneral Stephen Townsend ay tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca adkaynta seeska iskaashiga ka dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka, waxaanay ka turjumaysaa in bog cusub u furmay xidhiidhka labada dhinac. Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland waxa ay qayb laxaad leh ka qaataan ilaalinta marin-biyoodka muhiimka ah ee Badda Cas, taas oo ay faa’iido weyn ku qabaan dhammaan dalalka oo dhan. Iskaaashi iyo wada-shaqayn intan ka xoogan, kana weyn oo dhex-marta Somaliland iyo Taliska Ciidammada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) waxa uu kor u qaadi karaa nabad-gelyada iyo ammaanka biyaha Badda, waxaanu caawinayaa ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha Bariga Afrika”.

Waxaana dhankooda si wada jira u soo dhaweeyey hadalka Madaxweynaha Jeneral Townsend iyo Safiirka Maraykanka, Larry André, iyagoo sheegay inay dhinacooda diyaar u yihiin iskaashiga dhinacyada Amniga iyo Militriga ee labada dhinac.

Sidoo kale, intii weftigu booqashada ku joogeen Somaliland, Jeneral Stephen Townsend iyo Danjire Larry André waxa ay booqasho ku tageen Dekedda Berbera iyo Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee magaalada Berbera, kuwaas oo labadoodaba dhawaan dhisme ahaan la ballaadhiyey, lana casriyeeyey si kor loogu qaado tayada adeegga dhaqaalaha, arrimaha bini-aadannimada iyo baahiyaha amni ee Somaliland, dalalka ay saaxiibka yihiin iyo gobolka intaba. Booqashada Taliyaha Taliska Ciidammada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) waxa ay daba socotaa booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku tagay Maraykanka bishii March, 2022 iyo sahankii Taliska Ciidammada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ay ku yimaadeen Berbera bishii August ee sannadkii hore.

Kulankaa waxa Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud, Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Gashaandhiga Mudane Cabdiqani Maxamuud Cateeye (Fariid), Taliyeyaasha Ciidamada Militeriga iyo Booliiska, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale).

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Mustafe_Janaale

Hargeisa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com