#SOMALILAND: U-jeeddada Weftigii Ugu Cuslaa Oo Socdaal Shaqo Ku Tagay Dalka Taiwan

Hargeysa(Hayaannews):- Wefti culus oo uu hagaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada iyo iskaashiga caalamiga Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud ayaa maanta si diiraan loogu soo dhaweeyey Magaalada Taiwan, kadib markii ay casuumad ka heleen Jasiirada Taiwan.

Weftigan oo ka kooban wasiiradda Arrimaha Dibadda Dr, Ciisa Kayd, Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, Qorshaynta Qaranka Cumar Cabdilaahi iyo Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Siciid Sulub Maxamed ayaa kulamo waaweyn la yeelan doona Madaxweynaha Taywaan, 蔡英文 Tsai Ing-wen, Wasiirka Arrimaha Dibadda Joseph Wu, iyo Wasiirka Dhaqaalaha ee dalka Taywaan.

Weftigu waxa ay kulamo mihiim ah la yeelan doonaan wasiirro ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Badda, Wasiirka Beeraha, Kalluumaysiga, Xoolaha iyo Cuntada.

Waxa kale oo ay weftigu kulan la qaadan doonaan Guddoomiyaha Golaha Ganacsiga iyo maal-gashiga Dibadda (Taiwan External Trade Development Council – TAITRA).

Kulama waa weyn oo kale ayey weftigu ka qayb-gali doonaa oo ay la qaadan doonaan qaar ka mid ah shariikadaha waa weyn ee dhismaha, kuwa E-Commerce ka iyo Tiknoolajiyada.

Weftigan oo noqon doona kii ugu cuslaa ee ay Somaliland u dirTo Taiwan, tan iyo markii ay xidhiidhka samaysteen labada dal.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com