SOMALILAND: Ubax Cali Oo Lagu Daray Liiska BBC-da Ee Boqolka Haween Ee Ugu Wax-qabadka Baddan.

Hargeysa(Hayaannews); Ubax Cali oo ka mid ahayd ardayda Abaarso ka aflaxday ayaa lagu daray liiska BBC-da ee boqolka dumar/haween ee waxqabadyo wax-ku-ool ah bulshadooda u qabta.

 

Aqoonyahan Ubax wax lagu aqoonsaday aasaaska ay aasaastay Ururka Solace for Somaliland Girls ururkaa oo abaabulan in uu dabargooyo gudniinka fircooniga ah. Waxa aanu dhawaan Ubax u soo dhajinay markii ay u soo baxday round-kii ugu danbeeyay ee Rhodes Scholar imikana wax aanu ugu hambalyaynaynaa aqoonsiga sharafta badan ee ay heshay. In kastoo uu sannadkan 2020-ku adag yahay, Ubax waxa ay na xasuusinaysaa in ay jiraan waxyaabo badan oo u baahan in aynu mahadino.

HALKAN KU DHUFO OO AKHRISO WARKAN

Hayaannews,Office

Hargeysa, Somaliland