“Somaliland Waa Waddan Cagihiisa ku Taagan Oo Maraykan Wax la Qabsan Karo” Associated press AP

Madaxweynaha Somalilnad oo Kulan la qaatay golaha ammaanka qaranka ee Maraykanka

Ciidanka Ilaalada aqala cad ee oo sugaya Ammaanka Madaxweynaha JSL

Hargeysa (Hayaannews)- Wargeyska ka soo baxa Mareykanka ee la yidhaa ( Associated Press ) oo wax ka qoray socdaalka Madaxweyne Muse Biixi ee dalka dalka Mareykanka, ayaa ku daabcay bog ka mida bogaggiisa, isagoo soo xiganaya qeybo ka mida khudbaddiisii oo uu ku sheegay Madaxweynuhu, inay guuldarreysateen wada hadlladii u dhaxeeyey Somaliland iyo Somaaliya.

Waxa kale oo uu Wargeysku xusay oo soo qaatay Weedho ka mid ahaa khudbaddii Madaxweyne Muse Biixi ee uu ku sheegay, in wada xaajoodkii Somaliland iyo Somaaliya usoo socday Tobanka Sanno uu ka guuldarreystay dhinaca Somaaliya oo muujiyey in aanay wax dan ah ka lahayn wada hadalladaas, taas oo uu Madaxweynuhu sheegay inay ku khasbayso Somaliland in beesha Caalamka ay kala hadasho aqoonsigeeda.

Sidoo kale waxa uu soo qaatay Wargeysku hadalladii uu ka jeediyey munaasabaddaa Mr, Kevin Roberts oo ka dhacday Xarunta ( Heritage Foundation ) ee Washington, inuu aaminsan yahay in Somaliland iyo Mareykanku wada yeeshaan xidhiidh adag oo dhow, maadaama ay ku taal Somliland Gobol ay ka jirto xasilooni darro iyo ammaan xumo xagga argagixisada, iyadoo uu Mr, Kevin sheegay in taa beddelkeedana ay Somaliland tahay goob deggan oo ku taal Geeska Afrika oo Mareykanku wax la qabsan karo uu wax ay wada qabsan karaan.

Mr, Kevin Roberts waxa uu intaa ku daray in Somaliland tahay dal ku taagan cagihiisa oo ku dhaqma hannaanka Dimoqraadiyadda, soo qabsanayey doorashooyinkooda muddo Sannadood ah, balse aanay dunida inteeda badani ka war-hayn, sidaa awgeed waxa uu Madaxweynaha Somaliland oo la doortay 2017kii uu u marayaa aqoonsiga Somaliand dariiq kasta oo suurtagal ah, ayuu yidhi Mr, Kevin Roberts.

Geesta kale Xildhibaan Jim_E_Risch oo ah mudanaha ugu sarreeya aqalka odayaasha dalka Maraykanka, isla markaana xubin ka mid ah Guddida aqalkaasi u qaablsan Xidhiidhka Arrimaha Dibadda ayaa ku tilmaamay xidhiidhka sii xoogaystay ee Somaliland iyo Maraykanka, mid muujinaysa xidhiidhka murugsan ee ka taagan Geeska_Afrika, isla markaana loo baahan yahay in maamulka Biden uu sahamiyo meel kasta oo ka geli karo arrimaha gobolka.

Xildhibaan Jim_E_Risch oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi kulamadii uu la yeeshay Madaxda Maraykanka toddobaadkan waxay muujinayaan xaaladaha xidhiidhka murugsan ee ka taagan Geeska_Afrika. Maamulka madaxweyne Biden waa inuu sahamiyaa meel kasta oo uu ka geli karo arrimaha gobolka.”

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii ballaadhna ee uu hoggaaminayey oo maalintii afraad ku sugan dalka Maraykanka, gaar ahaan Washington D.C ayaa kulan la qaatay masuuliyiin sar-sare oo ka socota Golaha Amaanka Qaranka Maraykanka (National Security Council), waxaana kulankaa lagaga wada hadlay iskaashiga, nabadgelyada iyo dimuquraadiyada iyo horumarinta. sidoo kale madaxweynaha qaranka Somaliland iyo weftigiisu waxay kulamo kale la yeesheen hay’adda Caalamiga ah ee dimu-quraadiyada qaranka Maraykanka (National Endowment for Democracy) iyo Baanka Adduunka (World Bank).

Sidoo kale, dawladda Maraykanka ayaa xil-weyn iska saartay sugidda ammaanka Madaxaweyeynaha Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayay iyada oo loo xil-saaray ammaanka weftiga Somaliland Ciidamada Ilaalada aqalka cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka iyo kuwa sirdoonka ee dalkaasi.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com