SOMALILAND: War laga soo saaray Darajo Dalacsiinta 3 Degmo

Hargeysa (Hayaannews) Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, Md. Maxamed  Kaahin Axmed, ayaa sheegay in dib u qiimeyn lagu sameyn doono Daraja dalacsiinta Degmooyinka Taleex, Baligubadle iyo Caynaba.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha oo fulinaya amarkii madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa wareegto wasiir ku soo saaray in wasaaradda arrimaha guduhu qiimayn ku samaynayso darajo dalacsiinta degmooyinka Taleex, Balli-gubadle iyo Caynabo.

Qiimaaynta ka dib waxa ay wasaaraddu u gudbin doontaa cidda ay khusayso.