SOMALILAND: Wasaarada Arrimaha Gudaha Oo Muddeysay Fadhiga Ugu Horeeya Ee Golayaasha Deegaanada

Hargeysa (Hayaannews) – Wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay xilliga ay yeelanayaan fadhigooda ugu horreeya  golayaashii deegaan ee dhawaan lasoo doortay.

War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda arrimaah gudaha kuna Saxeexan yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa lagu sheegay xilliga la ansixinaayo xubnaha golaha deegaanka ee degmooyinka dalka iyo waqtiga ay fadhiisnayaan kal fadhigoodii ugu horreeyay.

Degmada Hargeysa waxa la ansixinaaya xubnaha golaha deegaanka 15 bishan aynu ku jirno ee Juun, waxayna kalfadhigooda ugu horreeya yeelanayan 17 bishan.

Degmada Burco ee gobolka Togdheer waxa la ansixinaaya xubnaheeda golaha deegaanka 15 bishan Juun, waxayna kalfadhigooda kowaad yeelanayaan 19 bisha.

Degmada Boorama ee gobolka Awdal waxa la ansixinaya xubnaheeda golaha deegaanka 14 bishan Juun, waxayna kalfadhigooda kowaad yeelanayaan 16 bisha Juun ee sannadkan.

Degmada Berbera ee gobolka Saaxil waxa la ansixinayaa xubnaheeda golaha deegaanka 14 bisha Juun, waxayna kalfadhigooda kowaad yeelnayaan 15 bishan Juun.

Degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag waxa la ansixinayaa xubnaheeda golaha deegaanka 16 bishan Juun, waxayna kalfadhigooda kowaad yeelnayaan 19 bisha.

Degmada Laascaanood ee gobolka Sool waxa la ansixinayaa xubnaheeda golaha deegaanka 17 bishan Juun, waxayna kalfadhigooda kowaad yeelanayaan 19 bisha.

Degmada Sheekh waxa la ansixinayaa xubnaheeda golaha deegaanka 16-06-2021, waxayna kalfadhigooda kowaad yeelanayaan 16.06.2021

Degmada Gebilay waxa la ansixinayaa xubnaheeda golaha deegaanka 15.06.2021 waxayna kalfadhigooda kowaad yeelanayaan 17.06.2021.

Degmada Caynaba waxa la ansixinayaa xubnaheeda golaha deegaanka 15.06.2021, waxayna kalfadhigooda kowaad yeelanayaan 16.06.2021.

Degmada Buuhoodle waxa la ansixinayaa xubnaheeda golaha deegaanka 17.06.2021, waxayna kalfadhigooda kowaad yeelanayaan 17.06.2021.

Degmada Taleex waxa la ansixinayaa xubnaheeda golaha deegaanka 15-06-2021, waxayna kalfadhigooda kowaad yeelanayaan 16.06.2021.

Degmada Xudun waxa la ansixinayaa xubnaheeda golaha deegaanka 17-06-2021, waxayna kalfadhigooda kowaad yeelanayaan 17.06.2021.

Degmada Balli-gubadle waxa la ansixinayaa xubnaheeda golaha deegaanka 17-06-2021, waxayna kalfadhigooda kowaad yeelanayaan 17.06.2021.

Degmada Gar-adag waxa la ansixinayaa xubnaheeda golaha deegaanka 13-06-2021, waxayna kalfadhigooda kowaad yeelanayaan 14.06.2021.

Degmada Ceel-afweyn waxa la ansixinayaa xubnaheeda golaha deegaanka 14-06-2021, waxayna kalfadhigooda kowaad yeelanayaan 15.06.2021.

Degmada Baki waxa la ansixinayaa xubnaheeda golaha deegaanka 16-06-2021, waxayna kalfadhigooda kowaad yeelanayaan 17.06.2021.

Degmada Lug-haya waxa la ansixinayaa xubnaheeda golaha deegaanka 20-06-2021, waxayna kalfadhigooda kowaad yeelanayaan 21.06.2021

Degmada Saylac waxa la ansixinayaa xubnaheeda golaha deegaanka 22-06-2021, waxayna kalfadhigooda kowaad yeelanayaan 23.06.2021

Degmada Sallaxley waxa la ansixinayaa xubnaheeda golaha deegaanka 17-06-2021, waxayna kalfadhigooda kowaad yeelanayaan 17.06.2021.

Degmada Oodweyne waxa la ansixinayaa xubnaheeda golaha deegaanka 17-06-2021, waxayna kalfadhigooda kowaad yeelanayaan 17.06.2021.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com