#SOMALILAND: Wasaarada Deegaanka Oo Soo Bad-baadiyay Hariimacad

Xaaji Saalax (Hayaannews): Wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka cimiladda ee Somaliland ayaa shalay gobolka Daad-madheedh ku soo qabatay Sagaal Hariimacad 2 gaadhi iyo 5 nin oo eedaysaneyaal ah oo xayawaankaasi dhoofinayay.

Hawl-galkaasi waxa ka qayb-qaatay masuuliyiinta wasaaradda deegaanka ee gobolka Daad-madheedh, oo kaashanaysay maamulka iyo ciidamadda booliska ee gobolkaasi, iyo maamulka degmadda Xaaji Saalax ee gobolka Daad-madheedh.

Waxaana shalay magaaladda Xaaji Saalax lagu soo bandhigay Sagaalka Harimacad iyo shanta nin eedaysaneyaasha ah iyo labadda gaadhi ee ay ku dhoofinayeen Harimacadkaasi.

Iyadoona ay halkaasi goob joog ka ahaayeen agaasimaha waaxda Duur joogta ee wasaaradda deegaanka Somaliland C/naasir Xuseen Siciid, oo Oodweyne u tegay dhacdadaasi, iyo masuuliyiinta degmadda Xaaji Saalax, iyo taliska booliska degmadaasi.

Sagaalkan Harimacad ee la soo bad-baadiyay oo ah kuwo yar yar ama Dhalo ah, ayaa la sheegay in nimanka watay ay ka soo qabsadeen dhinaca hawdka ee dalka Ethiopia, kuwaasoo la doonayay in si sharci darro ah looga dhoofiyo dalka Somaliland.

C/naasir Xuseen Siciid, oo gobolka Daad-madheedh u tegay dhacdadaasi ayaa sheegay in xayawaanka Harimacadku uu ka mid yahay khayraad aynu leenahay, isla markaana uu sii dabar go’ayo sida xogaha lagu faafiyay.

Waxaanu tilmaamay agaasime C/naasir, in xogahaasi aya sheegayaan in Geeska Afrika oo dhan ay ku nool yihiin 7500 oo xabadood oo Harimacad ah, sidaas darteedna aanay haboonayn in la inaga qaadayo ee wax yaroo faro guudkood ah la inaga siisto wixii aynu hodanka ku ahayn.

Waxaanu yidhi, “Harimacadku waa khayraad aynu leenahay, waanu sii dabar go’ayaa sida xogaha lagu faafiyay. Geeska Afrika oo dhan waxaa la sheegay 7500 oo xabadood oo Harimacad ah ay ku nool yihiin. Markaa waxan la inaga qaadayo, ee wax yaroo faro guudkood ah la inaga siisanayaa waa waxa aynu hodanka ku nahay.

Duur joog badan oo aynu hodan ku ahayn ayaa maanta ubadkeena iyo jiilasheenna danbe sheeko ku ah, oo looga sheekayn doonaa. Kan haddii aynu maanta bad-baadin wayno, iyo kuwa kale ee fara baas lagu hayo, berito sheeko ayay inagu noqonaysaa, oo waxaa la odhan doonaa Harimacad baa sebenkii noocaa ahaa joogi jiray”.

Geesta kale C/naasir Xuseen Siciid, ayaa ugu baaqay dadka ku hawl ka ganacsiga duur joogta meel walboo ay joogaan in ganac Birr ah ay ku qabanayaan laamaha kala duwan ee dawladu, isla markaana tallaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadayaan.

“Markaa meel walboo ay joogaan dadkaa ku hawl ka ganacsiga duur joogta, ganac Birr ah ayay laamaha kala duwan ee dawladda, iyo ciidamadu, tallaabo sharciga waafaqsan ayay ka qaadayaan. Khayraadkeenna aynu ilaashano, isaga ayaynu hodan ku nahay, waa quruxdeenna, taasi ayaynu leenahay.

Markaa muwaadin waxaad wasaaradda deegaanka iyo jamhuuriyadda Somaliland ba waxaa kala shaqaysaa sidii khayraadkaasi duurkiisa loogu ilaalin lahaa” ayuu yidhi C/naasir Xuseen Siciid.