SOMALILAND: Wasaarada Gaadiidka Oo Soo Bandhigtay Qalab Cusub Oo Lagu Cilad Saarayo Gaadiidka Dawladda

Hargeysa (Hayaannews)- Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland oo soo bandhigtay qalab cusub oo loogu tallo-galay cilad saarka gaadiidka dawladda, qalabkaasi oo suuro-gelinaya in darawalka gaadhiga wadaa uu si fudud u cilad saaran karo gaadhi marka ay dhibaato ku timaado.

Qalabakan oo lagu soo bandhigay gudaha wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jmhuuriyadda Somaliland, ayaa loogu talo-galay cillad saarka gaadiidka dawladda ee GT-ga, waxaana ka warbixiyay masuuliyiinta shirkadd qalabkan dalka keentay, waxaanu ka kooban yahay Tuul Box oo ka kooban 95 xabbo oo furaya dhammaan boolasha gaadhiga, qalab loogu talo galay in uu kiciyo marka uu kaa fadhiisto Baytariga gaadhigu kaas oo ah 1500 oo ambiyeer.

Qalabka gargaarka degdega ah oo loogu talo-galay in uu kuu sheego cilada ku soo korodhay Injiinka gaadhiga, sidoo kale waxa ku jira qalab casri ah oo la shaqaynaya Internetka kaas oo ku siinaya koodh lambar, kaas oo kuu sheegaya nooca gaadhiga, moodeelkiisa iyo cillada haysa gaadhiga.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Abokor ayaa tilmaamay in qalabkani muhiim u yahay guud ahaan gaadiidka dawladda, isla markaana ay tahay arrin qeeme weyn leh in gaadiidka dawladdu ay watanaan qalab dhammaystiran, una fadhiisan cidlad uu hagaajin karo darawalku.

Agaasime Axmed Abokor Maxamed oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Runtii qalabka halkan lagu soo bandhigay waa qalab ay baahi wayn u qabaan gaadiidka dawladda Somaliland oo wasaaraddani masuul ka tahay, insha allaah waxaanu hubin doonaa anaga oo kala tashanayna wasaaradaha kale, kuna bilaabayna wasaaraddayada, in qalabkani saarnaado dhammaan gaadiidka dawladda, taas oo ka caawin doonta darawalada haddii ay ciladi timaado in degdeg baahidii looga jawaabo oo halkiisa lagu xalliyo”.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com