SOMALILAND: Wasaarada Qorsheynta Qaranka Oo Shaacisay Inay Dib-U-Habeyn Ku Sameynayso Diwaangelinta Ururada

Hargeysa(Hayaannews): Wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland ayaa shaacisay in ay dib u habayn ku samaynayso diiwaangelinta iyo shuruucda ururradda aan dawliga ahayn ee dalka hawl-galla.

Waxaana lagu wargeliyay Urur kasta oo ay diiwaan-gelini ugu dambaysay sanadkii 2016- kii iyo wixii ka horeeyay in aanu ahayn urur jira sharci ahaan, sidaas darteedna ay wasaaraddu liiska ka saarayso, loona aqoonsanayo urur baaba’ay.

Sidoo kale  urur kasta oo ay diwaan gelin ugu dambaysay wixii ka dambeeyey sanadkii 2017-kii waa inuu haysto laga bilaabo taariikhdu maray tahay 25/07/2021 ilaa 25/08/2021 in uu dib  isku diiwaan geliyo.

Sidaa waxa lagu sheegay wareegto uu maanta soo saaray wasiirka qorshaynta qaranka Somaliland Xasan Maxamed Gaafaadhi oo nuqul ka mid ahi ay soo gaadhay Xafiiska Shabakada Wararka ee Hayaannews.net.

Geesta kale wareegtadaasi ayaa lagu sheegay in  mudo laba bilood ah gudahood ay wasaaraddu ku   soo saari doonto liiska rasmiga ah ee Ururadda maxaliga ee aan dawliga ahayn. Kaasoo sifo sharci ah ku shaqayn doona kana mid noqon doona Dalladaha aan dawliga ahayn ee dalka ka hawl galla.

HALKAN HOOSE KA AKHRISO:

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com