SOMALILAND: Wasaaradda Caafimaadka Oo Sheegtay  in Kiisaska Covid-19 Ay Kor U KaceenLabadii Todobaad Ee U Danbeeyay

Hargaysa (#Hayaannews): Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa bulshadda uga digtay in ay ka digtoonaadaan xannuunka Coronavirus oo mar kale soo laba kacleeyay.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhawrkii maalmood ee u danbeeyay inuu kor u kacay kiisaska Covid-19.

Waxaanu tilmaamay in tiradda kiisaska cusub ee labadii todobaad ee u danbeeyay ay gaadhayaan ilaa 40 kiis oo cusub guud ahaanba dalkoo dhan.

Waxaanu yidhi, “Waxaan bulshadda la wadaagaynaa xannuunku inuu weli jiro. Inkastoo aanu wax kor u kac ah oo weyni jirin, hadana dhawrkii maalmood ee u danbeeyay 40 qof ayuu noqday, taasoo ka dhigan marka la isku cel celiyo inu soo ritay afar qof maalintiiba”.

Waxaanu intaas raaciyay, “24kii saacadood ee u danbeeyay waxaa jiray kiisas aanu diiwaangelinay, maalin walbana way jiraan kiisasku” ayuu yidhi Dr. Xergeeye. #Hayaannews

Dr. Xergeeye, ayaa ugu baaqay bulshadda in ay ku dedaalaan sidii ay uga feejignaan lahaayeen faafintaanka xanuunka Coronavirus.

Waxaanu yidhi, “Waxaan doonaynaa bulshadu in ay qayb nagala qaadato nidaamyadda xanuunka fiditaankiisa lagaga hor tago. Iyadoo feejignaantu ay mar walba tahay shayga ugu muhiimsan ee aynu ka duulayno”.

Geesta kale agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland oo wax laga waydiiyay waxa uga qorshaysan xukuumad ahaan iyo wasaarad ahaanba uga meel yaalla haddii uu mar kale soo laba kacleeyo xanuunka Covid-19.

Waxa uu ku jawaabay “Dedaal badan ayaanu samaynay, waxaanan dhignay goboladda dalka oxygen-tii. Magaaladda Hargaysa oo ugu weyn waxaanu ka xidhnay laba mishiin oo waaweyn oo kuwa oxygen-ta ah.

Cusbitaaladii aanu kula tacaali jirnay waa diyaar. Shaqaalaheenii oo inoo tababarani way noo joogaan. Agab wixii aanu haynay waa noo diyaar. Wasaaradu marna may joojin wacyigelintii iyo feeignaantii ay ku jirtay”.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka ee Shaabkada Wararka ee WWW.Hayaannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com