SOMALILAND: Wasaaradda Ciyaaraha Oo Sheegtay In Ay Joojisay Tartan Kubada Cagta Oo Hablaha Goboladu Ku Tartami Lahaayeen.

Hargeysa (Hayaannews) – Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland ayaa sheegtay in ay joojisay in tartan kubadda cagta ah oo hablaha ah dalka laga qabto, ka dib markii ay baal mareen shuruucdii wasaaraddu u dajisay.

War ka soo baxay wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland soona gaadhay Shabakada Wararka ee Hayaannews ayaa lagu amray in la joojiyo tartanka kubadda cagta ee hab hablaha, kaas oo mudooyinkii u dambeeyay hadal hayntiisu ku badnayd baraha ay bulshadu ku wada xidhiidhaan.

Wasaaraddu waxay joojinta ciyaarahaas ku sababaysay in la baal-maray sidii ay wasaaradda ciyaaruhu tartankaas u qaabaysay oo ahayd in aan muuqaalka hablahaas ciyaaraya laga baahin noocyada kala duwan ee warbaahinta, taas oo aan diinta iyo dhaqanka midna ku fiicnayn.

Warkaas ka soo baxay wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaraha Somaliland waxa lagu sheegay in wasaaraddu tix-galin siinayso in hablaha iyo wiilashuba ay helaan ciyaaro waafaqsan diinteena islaamka iyo dhaqanka bulshadeena, isla markaana loo baahan yahay in habluhu ay ku ciyaaraan goobo asturan oo aan rag daawanayn, isla markaana aan muuqaaladooda la soo bandhigin.

Ugu dambayn warkaas oo ka soo baxay xafiiska agaasimaha waaxda ciyaaraha ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Cabdirashiid Caydiid Yaasiin waxa cidkastoo ku hawlan qaban-qaabada ciyaarahaas u sheegtay inay u hogaansamaan amarkaas, cidii fulinwaydana ay sharciga la tiigasan doonaan.

 

#Hayaannews, Office

Hargeisa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com