SOMALILAND: Wasaaradda Maaliyadda Oo Abaalmarisay 100 Shaqaale ah

Hargeysa (Hayaannews)- Xaflad heer heer sare loo soo agaasimay laguna abaalmariyey 100-kii ugu fiicnaa ee shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda sanadkii hore ayaa shalay lagu qabtay Hudheelka Mango Garden ee Hargeysa.

Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda oo gaadhaya 1,066 ayaa dhexdooda mid walba soo xulay saddexda ugu fiican asxaabtiisa ee abaalmarin u qalma, una maray hanaan ka madax banana madax waaxeedyada iyo madaxda saree e Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire, Wasiir ku xigeenka Md Muuse Ibraahim Yuusuf, Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Mr Farxaan Aadan Haybe, Gudoomiyaha Komishanka Maamul Wanaaga Md Dayib Aadan X. Cali, Agaasimaha Guud Maxamed Cabdi Gurxan oo ka qeyb galay xaflada ayaa u hambalyeeyay dhamaan shaqaalihii la xushay, halka Gudoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha Dawladu u soo jeediyey dhamaan hay’adaha dawligu inay hanaankan oo kale u maraan qiimaynta & Abaalmarinta shaqaalahooda.

Agaasimaha Shaqaalaha Mr. Weyrax oo ka hadlay ayaa sheegay in qof walba u soo soo xulay seddex qof oo asxaabtiisa ah ku guulaysiga abaalmarinta, taasoo keentay in guulaystayaasha nidaamka ku soo baxaan.

Agaasimaha Guud ee Maaliyadda Md Maxamed Cabdi Gurxan ayaa amaanay hanaanka shaqaalahu dhexdodoa uga soo xuleen inta u fiican abaalmarin, isla markaana sheegay inay tahay markii ugu horeysay ee qiimeyn noocan oo kale ah laga sameeyo dalka oo dhan si loo xulo shaqaalaha abaalmarin u qalma.

Guddoomiyaha Komishanka Maamul-wanaaga Md. Dayib Aadan H Cali ayaa bogaadiyey abaal-marinta shaqaalaha lagu xushay waxqabadkooda, isla markaana sheegay inay qayb ka tahay masuuliyadda Komishanka Maamul-wanaaga.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Md Farxaan Aadan Haybe ayaa ammaanay shaqaalaha kuna tilmaamay talaabo horumar gaadhsiinaysa dalka, waxaanu ugu baaqay hay’adaha dawladda inay hanaankan u maraan qiimaynta iyo abaalmarinka shaqaalahooda.

Wasiir- xigeenka Maaliyadda Md Muuse Ibraahim Yuusuf ayaa sheegay in Wasaaraddu juhdi badan oo u dhigma sidii u diyaargarowga doorashooyinka u martay si loo xulo boqolkii shaqaale ee ugu fiicnaa.

Dr Sacad Cali Shire oo soo gunaanaday munaasabada ayaa amaanay shaqaalaha abaalmarinta loo xulay, isla markaana kula dardaarmay inta dedaasha balse aan fursad u helin soo xulida, aanay niyad-jabin, ama in la ilaaway u qaadan, laakiin sii labanlaabaan dedaalkooda, si xulashada dambe uga qeyb noqdaan Idamka Alle. Ugu dambeyntiina Dr Sacad iyo marti sharaftii kale ayaa abaalmarino gudoonsiiyay shaqaalihii la soo xulay.

Munaasabadan oo qorshaysnayd horaantii sanadka ayey dib u dhigtay culayskii howlaha qiimeynta shaqaalaha iyo saameynti dhaqaale ee caabuqa Covid-19, iyo hawlahii doorashooyinka.

Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu ayaa bogaadisay dhammaan shaqaalaha loo aqoonsaday inay yihiin kuwa ugu waxqabadka wanaagsan sanadka hore ee 2020.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com