Sidaasna waxa lagu sheegay
war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta oo ay nuqul ka mid ahi
heshay Shabakada Hayaannews, kaasi oo u qornaa sidan:-
“Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka
iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland waxa ka go’an in ay xurmayso
madax-bannaanida Saxaafadda, isla markaana abbuurto jawi dammaanad qaadaya
saxaafad xor ah oo u gudata waajibaadkeeda si waafaqsan shuruucda dalka iyo
mabaa’dida caalamiga ah ee Warbaahinta.
Dastuurka Jamhuuriyadda
Somaliland, oo ah sharciga dalka ugu sareeya, waxa uu Qodobkiisa 32aad si buuxda u damaanad
qaaday Xoriyada Saxaafadda iyo xaqa Ra’yi dhiibashada. Kaas oo qeexaya in
muwaadin kasta uu xor u yahay in uu ra’yigiisa ku bandhigi karo qoraal, hadal,
muuqaal, suugaan ama qaab kale oo waafaqsan xeerarka dalka.
Sidaas darteed, Wasaaradda
Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL waxa ay dhiirigelinaysaa nidaam ama
hab kasta oo qof ama haya’ad ay aragtideeda
si xor ah ugu cabiri karto iyada oo la xaq dhawrayo mabaadi’da Islaamka,
qiyamka iyo hidaha suubban ee ummadeenna iyo shuruucda dalka u dejisan.
Wasaaradda Warfaafintu, iyada oo
ka duulaysa Qodobka 39aad (faqradiisa 5aad) ee Xeerka Kala Xadaynta Nidaamka
Xukuumada iyo Haya’daha Madaxa-Bannaan (Xeer no.71/2015), oo awood sharci u
siinaya in ay bixiso ruqsadaha warbaahinta gaarka loo leeyahay, isla markaana
dareensan baahida weyn ee loo qabo in dib-u-habayn iyo qiimayn lagu sameeyo
addeega ruqsad-bixineed ee ay Wasaaraddu u hayso Qaranka Somaliland. Sidaas
darteed, Wasaaraddu Warfaafintu waxa ay markale ku wargelinaysaa in dhammaan
Hay’adaha Warbaahineed macluumaadkooda oo rasmi ah ugu soo gudbiyaan Wasaaradda
Warfaafinta ugu danbayn 16ka bisha Diisambar 2020.
Haddaba, waxa aan xasuusinaynaa Warbaahinta qaybaheeda kala duwan in aanay Wasaaraddu ahayn Hay’ad dakhli ama cashuur ururin, balse ay u xilsaaran tahay in muwaadiniinta ku wacyigeliso gudashada waajibaadka ka saaran bixinta cashuurta, gaar ahaan Hay’adaha Warbaahinta ee ay ruqsadaha siisay. Sidaas darteed, waxa aanu ku boorrinaynaa Saxaafadda gaarka ah iyo dhammaan suxufiyiinta in ay sii xoojiyaan wada-shaqayntii ay la lahaayeen Wasaaradda Warfaafinta iyo u-addeegsigta shacbiga, oo aanay ku dhego-barjoobin ku-tiri-ku-teenta aan lahayn nuxuradda sharci.”