SOMALILAND: Wasiir Saleebaan Koore Oo Si Adag ugu Jawaabay Guddoomiyaha Wakiillada  Cabdirisaaq Khaliif

Hargeysa (Hayaannews):- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa si adag ugu jawaabay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo sheegay in Ciidanka Qaranku xasuuq ka geystay Laascaanood, waxaanu ku eedeeyay inuu khiyaamo Qaran ku kacay Mudane Khaliif.

Wasiir Koore oo shalay hadlay, ayaa sheegay inuu Cabdirisaaq Khaliif caddaystay inuu ka soo horjeestay Qaranka uu u dhaartay ee Somaliland.

Hadalka Wasiir Koore oo dhinacyo kala duwan oo jawaab iyo weerar ah isugu jira, waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan: