SOMALILAND: Wasiirka Arrimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga Oo Furay Shir Muhiima

Hargeysa(Hayaannews): Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Ciise Kayd Mohamuud ayaa maalintii Sabtida ee doraad daah-furay kulanka dib-u-eegista qorshihii sanadkii ina dhaafay ee 2021 ka iyo dejinta Qorshe hawleedka sanadka 2022 ka ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL.

Kulankan oo socon doona muddo 2 maal-mood ah ayaa waxa ka soo qeybgalay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mudane Cabdinaasir Cumar Jaamac, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Cabdillahi Ducaale iyo Sakaashiisa sar sare ee Wasaaradaasi, waxaana kulankan lagu gorfayn doonaa qorshihii sanadkii tagay ee 2021kii sidoo kalena lagu dejin doonaa qorshaha ay ku hawl galayso Wasaaradda Arrimaha Dibeddu sanadka 2022ka kaas oo laga soo dheegay Qorshaha guud ee siyaasadda arrimaha dibedda Jamhuuriyadda Somaliland.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office