Wuxuu ka
hadlay qasaaraha nafeed iyo hantiyeed ee ka dhashay roobkii habeen hore
Hargeysa
(Hayaannews):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland,ayaa digniin adag
u diray ganacsatada awday laagaha biyo mareenada ah iyo shirkadaha laydhka ka
dib roob xalay ka da’ay caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo sababay dhimashada
lix qof iyo dad ku dhaawacmay iyo qasaare hantiyeed oo kal.
Waxaa
kale oo uu wasiirku intaa raaciyay in qasaaraha dhimashadu ay gaadhay lix qof
isla markaana ay jiraan dad badan oo ku dhaawacmay iyo hanti guryo iyo gaadiidba
isugu jirta oo ku burburtay.
Waxaana
sidan shaaca ka qaaday wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland mudane
Maxamed Kaahin Axmed ka dib kormeer ballaadhan oo uu ku soo sameeyay guud ahaan
caasimadda Hargeysa oo uu socdaal ku gaalaa bixinayay illaa habeen hore.
Wasiirka
wasaaradda arrimaha gudaha Somaliand mudane Maxamed Kaahin Axmed ugu horeyn
waxaa uu warbaahinta la wadaagay khasaaraha ka dhashay roobkii habeen hore
waxaanu yidhi “Dhimashadu shan qof ayay ahayd xalay(habeen hore) hal qof
ayaa saaka(shalay) la helay, marka dhimashadu waa lix, dhaawaca illaa hadda
aynu heynaana waa 12-qof intooda badanina way wanaagsan yihiin, waxaa aad u
faro badan gaadiidka ku burburay roobka oo tiradoodu gaadheyso 12-gaadhi, tira
kale oo 50 gaadheysana waxaa badbaadiyay ciidamada booliska ayaa ka samata
bixiyay daadadkii rogmanayay, tirada guryaha khasaaruhu gaadhey illaa hada lama
hayo, nasiib wanaag guryihii uu jiingadda ka qaaday dadkii ku jiray cidi waxba
kumay noqon, masuuliyiinta dawladuna waxaay soo sugeen dhammaan goobihii ay
waxyeeladu soo gaadhay”
Waxaanu
Wasiir Kaahin intaa raaciyay. “Daadadkan waxyeelada keenay waxaa ay ka
dhasheen goobihii biya mareenada ahaa oo dhammaan la wada xidhay, biyihiina
marka ay isku taageen dabadeedna ay sababeen in xaafado dhan ay dib ugu
noqdaan, meherado iyo magaalo dhan oo ay mari jireena, digniin ayaanu u dirayna
ganacsatada awday goobihii ay biyuhu marayeen waxaanu leenahay la shaqeeya
masuuliyiinta dawaladda hoose”
“Waxaa ka mida shirkadaha leydhka oo laba qof ay ku dhinteen,oo leydhadhkii hore ee gaboobay oo aan laga furin oo ay weli ku xidhan yihiin, leydhka kiisa sare iyo kiisa hoose nidaamka ay isu dhexmaraana way khaldan tahay, in khadka laga saaro dhammaan leydhadhkii hore ee la isticmaali jiray, ee gaboobay in shirkadaha leydhku meesha ka saaraan, inay sameeyaan kooxo wareega xiliyada roobabku ay da’aan ee laga baqayo inay dhibaato leydh ay dhacdo, laguna wargeliyo ciidamada kale ee ay iskaashan karaayaan sida kuwa booliska in shirkaduhu dhammaan ay sameystaan lanbar gurmadka deg dega ah oo markaaba laga baahiyo dhammaan Telefiishada dalka, shirkadaha leydhkana waxaanu fareynaa in aanay xadhko leydh oo jilicsan dadka u gelin.”