SOMALILAND: Wasiirka Deegaanka Oo Shaacisay Inay La Wareegayaan Duur-joogta Ay Shacabku Haystaan

Hargeysa (Hayaannews): Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland ayaa sheegtay inay la wareegayso dhamaanba noocyadda kala duwan ee duur-joogta ee ay dadka shacabka ahi ku haystaan Hudheeladda iyo Guryaha.

Wasiir Shugri Ismaaciil Baandare waxay sidaa ku sheegtay wareegto maanta ka soo baxday xafiiskeeda oo nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews,taas oo ay sheegtay inay dhiiri-gelinayso in bulshadda inteedda kalena ay duurka ka soo qabsadaan duur joogta, sida uu dhigayo xeerka ilaalinta Kaymaha iyo duur joogta ee jamhuuriyadda Somaliland xeer LN. 69/2015-ka.

Kaasoo sheegaya in wasaaradu masuul ka tahay daryeelidda iyo ilaalinta duur joogta dalka, si loo bad-baadiyo loona daryeelo.

Waxaana wareegtadaasi lagu socod siiyay dhamaanba guddoomiyeyaasha goboladda dalka, iyo maayarrada magaallooyinka dalka.

Wareegtadaasina waxay u dhignayd sidan: “Anigoo tixraacaya xeerka ilaalinta Kaymaha iyo duur joogta ee jamhuuriyadda Somaliland xeer LN. 69/2015, kaasoo sheegaya in wasaaradu masuul ka tahaydaryeelidda iyo ilaalinta duur joogta dalka, si loo bad-baadiyo loona daryeelo.

Xeerkani waxa uu mamnuucayaa in duur joogta dalka lagu haysto Hudheeladda iyo guryaha, taasoo dhiiri gelinaysa in bulshadda inteedda kalena ay duurka ka soo qabsadaan duur joogta”.

Waxa kaloo wareegtadaasi lagu yidhi, “Wasaaradu waxay qaaday 7-dii bishii December ee sanadkii 2018-kii, olole lagu diiwaangelinayay dhamaanba duur joogta lagu haysto goboladda iyo degmooyinka dalka ee sida gaarka ah loo haysto. Taasoo imika la qorsheeyay in gacanta wasaaradda deegaanka dhamaantoodba lagu soo celiyo.

Hadaba, maadaama oo ay wasaaradda deegaanku samaysay goobo lagu xanaaneeyo duur joogta sida gaarka ah loo haysto, wasaaradda deegaanka iyo horumarinta miyiga Somaliland waxay qaadi doontaa olole lagu ururinayo dhamaanba dhamaanba duur joogta sida gaarka ah loo haysto, iyadoo kaashanaysa laamaha kala duwan ee dawladda”.

Wareegtadaasi ayaa lagu faray dhamaanba mulkiileyaasha hudheeladda iyo guryaha gaarka loo leeyahay ee haysta noocyadda kala duwan ee duur joogta in ay shaqaalaha wasaaradda deegaanka gacan ku siiyaan fulinta amarkani.

“Sidaasi daraadeed, waxaa la farayaa dhamaanba mulkiileyaasha hudheeladda iyo guryaha gaarka loo leeyahay, ee haysta noocyadda kala duwan ee duur joogta dalka, in ay gacan buuxda ku siiyaan shaqaalaha waaxda duur joogta ee wasaaradda deegaanka fulinta awaamiirtaasi aan kor ku soo xusnay” ayaa lagu yidhi wareegtadaasi oo uu ku saxeexnaa wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga ee Somaliland Shurki Xaaji Ismaaciil Baandare

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com