|
|||||
HAYAANNEWS.NET
SOMALILAND: Wasiirka Isgaadhsiinta Oo Amar Cusub Ku Soo Rogay TV-yada iyo Shirkadaha Cable-lada Bixiya
April 5, 2021 - Written by adminHargeysa (Hayaannews) – Wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo teknoolojiyadda Somaliland, Cabdiweli Sh. Cabdilaahi Suufi, ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu amaro cusub ku soo rogay Telefiishanada iyo Shirkadaha Cable-lada Bixiya. Wareegtadan uu soo saaray wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland ayaa nuxurkeedu yahay dib u cusbooneysiinta hirarka isgaadhsiita iyo adeegsiga Muuq-baahiyayaasha (Cable TV). Wasiirka ayaa dhamaan shirkadaha ka shaqeeya adeegaas faray in ay dib u u soo cusboonaysiiyaan ruqsada Hirarka isgaadhsiinta ee ay hore u haysteen, iyagoo soo buuxinaya foonka ay wasaaradu adeegaa u dhigtay. Sidoo kale, Shirkadaha bixiya adeega muuqbaahiyaha ee guud ahaan dalka ee aan ka diwaangashanayn wasaarada ayuu wasiirku faray in ay isa-soo diwaangeliyaan oo ay qaataan ruqsada hirarka isgaadhsiinta. Shirkadahaasi ayaanu ku amray inay si deg deg ah ku hergeliyaan wareegtadaas ay wasaaradu soo saartay oo ka bilaabmaysa mudo 30-maalmood ah oo ka bilaabmaysa 5 bisha April 2021 ilaa 5 May. Hadaba, HALKAN HOOSE KA AKHRISO WAREEGTADA #Hayaannews, Office Hargeysa, Somaliland Email: Hayaannewssoma@gmail.com COMMENTS
|
|||||
|