SOMALILAND: Wasiirka Warfaafinta oo ka Hadlay Tabashadda Suxufiyiinta Ee Shirweynaha Ururka SOLJA

Laascaanood(Hayaannews): :- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa ka hadlay Qabsoomida shirweynaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja iyo Tabashooyin ay soo jeediyeen Xubno weriyeyaal ah oo Saluugsan qaabka loo wado qaban qaabada shirweynahaas.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta oo Socdaal shaqo ku jooga xarunta gobolka Sool ee magaalada Laascaanood ayaa sheegay in wixii khilaaf ah ee soo kala dhex galay ururka Solja lagu dhamayn doono Sharciga ururka iyo xeer hoosaadka u degsan.

Wasiir Koore waxa uu dul istaagay in doorka Wasaaradda Warfaafintu tahay sidii ay isugu soo dhawayn lahayd xubnaha ururka Solja ee kala fikirka duwan waxaanu cadeeyay inuu maalmaha soo socdo iman doono Caasimadda Hargaysa si loo daweeyo khilaafka isla markaana wax la isla ogol yahay ay u soo baxaan.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelintu waxa uu sheegay in Wasaarad ahaan ay rabaan In Shirweynaha Ururka Solja u dhaco si daah furan oo aanay cidina dareemin wax cabudhin ah ama in cid gaar ah wax loo wado.

Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore waxa uu dhanka kale ka dalbaday xubnaha Suxufiyiinta ahi ee cabashada qabaa in aanay tabashadooda warbaahinta marin ee ay doodooda la sugaan kulanka la isugu iman doono.

Geesta kale waxa uu Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelintu sheegay inuu dhawrkii bilood ee u danbeeyay uu ku sugnaa Gobolka Sool Isla markaana ay meel wanaagsan oo lagu diirsado marayso hawshii nabadaynta laba ardaa oo dhiig iyo dhalashaba wadaaga oo is maandhaaf ku dhex maray degmadda Adhi-Cadeeye ee Gobolka Sool.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland