SOMALILAND: Weriyaashii Xidhnaa Oo La Siiyey Iyo Qaar La La Hadhay.

Hargeysa(#Hayaannews):12 ka mid ahaa 15 Weriye ee ku xidhnaa Xarunta Dembi Baadhista ee Magaalada Hargeysa, ayaa maalintii shalay ee Salaasada ahayd la sii daayey, ka dib markii ay xidhnaayeen muddo lix cisho ah.

Weriyayaasha la sii daayey ayaa waxa laga reebay oo aan la sii dayn 3 Weriye oo kala ahaa Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig), Cabdijibaar Maxamed Xuseen iyo Cabdiraxmaan Cali Khaliif.