#SOMALILAND: Xarunta Dhir Tarminta Oo Laga Dhagax-dhigay Gabiley

Gabiley (Hayaannews): Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa maanta magaaladda Gabiley ka dhagax dhigtay xarunta kobcinta dhirta ee magaaladaasi yeelanayso.

Dhagax dhiga xaruntaasi waxaa wasiirka ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka C/kariin Aadan Cadde, badhasaab ku-xigeenka Gabiley, iyo maayarka degmadda Gabiley.

 

Xaruntani dhir kobcinta ee ay maanta wasiirka deegaanku ka dhagax dhigtay Gabiley ayaa noqonaysa tii 14-aad ee guud ahaanba xarumaha dhir kobcinta dalka ee ay maamusho wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland.

 

Weftiga wasiirka deegaanka iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi oo maanta safar shaqo ku tegay Gabiley waxaa markii ay halkaa gaadheen ku soo dhaweeyay badhasaab ku-xigeenka Gabiley Cali Case, isu-duwaha wasaaradda deegaanka Gabiley, maayarka, iyo masuuliyiin kale.

 

Waxaanay wasiirka iyo agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka ayaa xarunta maamulka gobolka Gabiley waxay kulan kula qaateen maamulka gobolka, iyo ka degmadda Gabiley.

Iyadoona kulankaasi ay masuuliyiintu isaga xog waraysteen mashaariicaha la xidhiidha dhinaca daryeelka iyo ilaalinta deegaanka, dhirta, iyo duur joogta ee ay wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladu ka waddo gobolka Gabiley.

Waxaanay weftiga wasaaradda deegaanka iyo maamulka gobolka Gabiley, soo kormeereen mashaariicaha ka socda gobolkaasi, oo ay ka mid ahaayeen dhismaha Gebyanka dugsiga sare ee Qalax, oo Carro celin loogu samaynayo dooxa Qalax, iyo sidoo kale dhir beeris ay dawladda hoose ee Gabiley ku samaysay Waddooyinka magaaladda Gabiley.

Wasiirka deegaanka iyo isbedelka cimiladda Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo dhagax dhiga xaruntaasi ka hadashay ayaa dawladda hoose ee Gabiley uga mahad celisay dhulkaasi ay ku caawisay ee laga dhisayo xarunta dhir Tarminta.

Waxaanay tilmaantay wasiirku in maadaama oo ay cimiladda adduunku isbedshay , isla markaana ay dhulkeena ka socdaan xaalufkii, dhir goyntii, iyo dhuxulaysigii in loo baahan yahay in aynu Gacmaheena kula soo baxno wixii aynu ku bedeli lahayn.

Waxaanay tidhi, “Xaruntan aan maanta (shalay) dhagax dhigayno ILAAHAY SWT ayaa mahad lehe, waxaan ugu mahad celinaynaa dawladda hoose ee Gabiley oo na siisay dhulkaasi. Waxaanay dhulkaasi ugu deeqday wasaaradda deegaanka. Waxaana xaruntani laga beeri doonaa, wax allaale iyo wixii dhir ah ee gobolku u baahdo, loogana kala qaadi doono meel kastaba.

Waxaa xusid mudan, maadaama aynu og nahay in cimiladii adduunku isbedeshay, oo xaalufku uu socdo, dhir goyntii ay socoto, oo dhuxulaysigii uu socdo, wixii aynu ku bedelan lahayn in aynu inagu Gacmaheena ku beerano, oo aynu kula soo baxno”.

“Ka dawlad ahaan iyo ka wasaarad ahaanba way naga go’an tahay, in aanu xaruntan oo noqonaysa tii 14aad, oo Selel imika noo dhiman tahay, oo tan ta ku xigta ay noqon doonto, oo Selel laga samayn doono xaruntii dhir Tarminta, oo bisha October marka ay cimiladu qabowdo loo samayn doono.

Tan aan maanta (shalay) dhagax dhigaynaana insha ALLAAHU waxay noqon doontaa mid wax soo saarkeedu aayo leh, oo ina wada anfacda” ayay tidhi wasiir Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare.

Geesta kale agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland C/kariin Aadan Cadde, oo dhagax dhiga xarunta Tarminta dhir oo laga hirgelinayo Gabiley ka warbixiyay ayaa sheegay in wasaaradu ay saddex laabtay wax soo saarka dhirta ee guud ahaanba dalka.

C/kariin Aadan Cadde, ayaa bulshadda Gabiley ugu bushaareeyay in sanadkan wixii ka danbeeya wixii ay dhir u baahdaan iyaga iyo dawladda hoose ee Gabiley, iyo gobolkuba in ay xaruntaasi ay dhagax dhigeen ay ka helayaan.

“Xaruntan Tarminta dhirta ee aynu maanta (shalay) dhagax dhigaynaa, wuxuu noqonayaa kii 14aad ee shaqayn doona. Waxaa wasaaradda imika u shaqeeya 13 xarumood oo kobcinta dhirta ah, oo goboladda dalka ku kala yaalla. Qorshuhuna waxa weeyaan, wasaaradu way saddex laabtay wax soo saarkii dhirta, sanadkan 2022-ka.

Dadweynaha reer Gabiley waxaan ugu bushaaraynaynaa sanadkan wixii ka danbeeya, wixii ay dhir u baahdaan, iyaga iyo dawladda hoose ee Gabiley, iyo gobolkuba, in ay halkan ka helayaan. Waxaanan rejaynaynaa in la wada shaqeeyo.

Dalka xaaluf badan baa ku socda, waxaanan idinku dhiiri gelinayaa in dhirta aad iyo aad loo beerro. Inta yar ee inoo hadhayna in la wada ilaaliyo” ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka.

Xaruntan Tarminta dhirta ee la dhagax dhigay ayaa noqonaysa tii u horaysay ee nooceedda ah oo ay wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland ka hirgeliyo guud ahaanba gobolka Gabiley.

Iyadoona dhulka laga dhisayo xarunta Tarminta dhirta ay bixisay dawladda hoose ee Gabiley, sida uu sheegay badhasaab ku-xigeenka gobolka Gabiley Cali Case.

Dhinaca kale wasiirka deegaanka iyo weftiga ay hogaaminayso ayaa isla shalay Gabiley uga sii gudbay dhinaca gobolka Awdal, waxaanay markii ay gaadheen Boorama halkaasi kulamo kula qaateen masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ee Boorama.

Intaa ka dib masuuliyiinta wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka Cimiladu waxay soo kormeereen xafiiska wasaaradda Deegaanka ee magaaladda Boorama, xarunta Tarminta dhirta iyo Beer ay wasaaradda Deegaanku ku leedahay deegaanka Camuud, taasoo ay ku beertay dhir kala duwan.