SOMALILAND: Xisbyada Mucaaridka Ee WADDANI Iyo UCID Oo Shaaciyay Inay Sameysteen Is-bahaysi Siyaasadeed

Hargeysa(Hayaannews):- Xisbiyada Mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID, ayaa shaaciyey inay samaynayaan Isbahaysi siyaasadeed, kaas oo ay ujeeddadiisa ku sheegeen mid ay rabaan inay ku hantaan Shirguddoonka golaha cusub ee Wakiillada Somaliland iyo sidoo kale Maayerrada inta badan magaalooyinka dalka, maaddaama oo ay labada Xisbi marka laysku daro aqlabiyadda Xildhibaannada golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka hoggaaminayaan.

Xisbiyada WADDANI iyo UCID, ayaa helay Aqlabiyadda Xildhibaannada Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka ee ku tartamay doorashadii golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee Somaliland ka qabsoontay 31-kii May sannadkan 2021-ka.

82-ka Xildhibaan ee loo doortay Golaha Wakiillada sida lagu sheegay natiijada hor-dhaca ah ee doorashada gobollada dalka waxay labada Xisbi Mucaarad isku heleen 52 Xildhibaan oo ay u kala heleen 31 Waddani ku hoggaaminayo iyo UCID oo 21 Mudane helay, halka Xisbiga talada haya ee Kulmiye helay 30 Kursi.

Sidoo kale, Xildhibaannada Golayaasha deegaanka ee magaalooyinka dalka, ayaa sida natiijada hordhaca ah lagu sheegay waxay xisbiyadu u kala heleen sidan:-

■ KULMIYE 93 Xildhibaan Gole Deegaan

■ WADDANI 79 Xildhibaan Gole Deegaan

■ UCID 48 Xildhibaan Gole Deegaan UCID iyo Waddani markay midoobaan aqlabiyad ku hoggaaminayaan Xildhibaannada Wakiillada iyo golayaasha deegaankaba, waxay sameeyeen Guddi Farsamo iyo iskaashi, si aanay u lumin guusha ay doorashada ka gaadheen ee ay ugu midoobaan siday u heli lahaayeen hoggaaminta amma Shir-guddoonka Wakiillada iyo Maayerrada magaalooyinka.

Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-yare) oo ka tirsan Xisbiga Waddani, ayaa Warbaahinta u akhriyey Guddiga ay soo xuleen Hoggaanka labada Xisbi, waxaanay u dhignayd warqadda uu Saxaafadda u akhriyey, sidatan:-

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com