SOMALILAND: Xukuumada Oo Mustaafurisay Shaqaale Ajaanib Ah Oo Ka Tirsanaa Hay’ada EUCAP

Hargeysa (Hayaannews)- Xukuumadda Somaliland, ayaa dhawaan dalka ka mustaafurisay saddex sarkaal oo ka tirsan Hay’adda EUCAP oo ka shaqaysa Arrimaha Badda Soomaaliya isla-markaana Xafiis ku leh Magaalada Hargeysa.

Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka gaabsaday in magacooda la xuso, xukuumadda Somaliland ayaa tallaabadan qaadday, ka dib markii Hawl-wadeennada Hay’adda EUCAP ee Xafiiskeeda Hargeysa oo dhamaantood Ajaanib ahi ay ku kaceen Fal-dambiyeed noociisu ugub ku yahay dalka, kaas lagu sheegay inay Gaadiid ay leedahay Shirkadda Shidaal baadhista ee BGP ay ka furteen taarikada iyagoo ku xidhay gaadiid ay isticmaalayaan si ugu qarsadaan isla-markaana ugu fushadaan hawlo gaar ah oo waxa ay yihiin aan laga war-qabin.

Sida xogahani tixaabeen, Hawl-wadeennada Xafiiska hay’addu ku leedahay Hargeysa, ayaa falkan ku kacay bishii February ee sanadkan 2021, iyagoo  sifo Sharci-darro ah u adeegsaday saddex Taariko oo ku xidhnaa Gaadiidka shirkaddaas iyo mid uu leeyahay qof shacab ah.

“Saddexda Taariiko laba ka mid ah waxa lahaa oo ay ka furteen Shirkadda sahaminta shidaal ee magaceeda loo soo gaabsado BGP, halka 1 Taarikana uu lahaa qof shicib ah oo ilaa hada u xaniban Bilaydh Lambarkiisa, kaasi oo sidoo kale ka Cabsi qaba in fal-dambiyeed lagu galo.

Warku waxa uu intaas ku daray in Dowladda Somaliland oo ka jawaabaysa falka noocaas ah, ayaa  dalka ka mustaafurisay saddex ka mid ah Lixda Qof ee ku lugta lahaa fal-dambiyeedkan oo ah mid khatar ku ah amniga dalka.

Dhinaca kale, Ku-xigeenka Madaxa Hay’adda EUCAP, Keith Murray, ayaa 21-kii June ee sanadkan 2021 booqasho ku yimid Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaanu kulamo la yeeshay masuuliyiin iyo sarakiil sar sare oo ka tirsan laamaha amniga Somaliland, kuwaas oo uu ka codsaday in dambigaa laga dhaafo hay’adda mar haddii ay dowladdu masaafursay 3 ka mid ah 6 qof ee loo haystay kiiskan, lana cafiyo saddexda Qof ee weli dalka ku sugan, maaddaama oo sida la sheegay ay soo celiyeen laba ka mid ah Bilaydh Lambarrada ay sida sharci-darrada ah u adeegsadeen.

Sida ay tibaaxayaan ilo-wareedyada ay warbaahintu ka heshay warkan, in kasta oo aan la ogeyn in Xukuumaddu ka aqbashay Codsigaas, balse ay weli dalka gudihiisa ku sugan yihiin saddex ka mid ah shaqsiyaadkii lala xidhiidhiyay falkaas, kuwaas oo magacyadoodu lagu kala sheegay Erik Kallman, Athanasios Seretis iyo Andrew Carbino.

Sidoo kale, lagama war-qabo hawlaha rasmiga ah ee ay Xilligan Gacanta ku hayaan xubnaha EUCAP ee lagu eedeeyey fal-dambiyeedkan oo lid ku ah ammaanka guud ee dalka

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com