SOMALILAND: Xukuumadda Oo Fasaxday Dhismaha Taawarada Ee Shirkaddaha Is-gaadhsiinta Iyo Dareenada Ku Xeeran.

 Hargeysa (#Hayaannews)- Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland, ayaa maanta fasaxday dhismaha Taawarrada ee shirkadda Isgaadhsiinta oo wasaaraddu hore u joojisay.

Taawarradda ay adeegsadaan shirkadaha isgaadhsiinta ee dalka oo ka dhex-dhisan gudaha magaalooyinka dalka, gaar ahaan caasimadda Hargeysa oo ah meesha ugu badan ee ay ka dhex-taagan yihiin, ayaa dhibaatooyin caafimaad ku haya bulshada oo inta badan cabasho xooggan ka muujiya, sida ay ka digeen khubarada caafimaadka iyo kuwa bartay cilmiga isgaadhsiinta ee dalka.

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Somaliland Dr Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi, ayaa wareegto uu maanta soo saaray ku buriyey go’aan uu dabayaaqada sannadkii hore ku hakiyey dhismaha taawarrada ay isticmaalaan shirkadaha isgaadhsiinta, waxaanu wareegtada ku sheegay in taariikhda maanta laga bilaabo wasaaraddiisu fasaxday dhismaha Taawarrada Isgaadhsiinta.

Lama oga sababta wasaaraddu xilligan ku fasaxday dhismaha Taawarrada, haseyeeshee Wasiirka Isgaadhsiinta ayaa go’aan uu soo saaray bishii March 2019, waxa uu uga digay shirkadaha isgaadhsiinta inay Taawarro cusub ka hirgeliyaan gudaha magaalooyinka, isagoo sheegay inay xukuumad ahaan garowsan yihiin saamaynta ay leeyihiin tirada Taawarrada Isgaadhsiinta ee gudaha magaalooyinka oo uu xusay in ay ka badan yihiin intii loogu talo-galay.

Wasiirku waxa uu xilligaas sheegay inay xukuumad ahaan diyaariyeen qalabka lagu qiyaaso xaddiga shucaaca ay sii daayaan Taawarrada isgaadhsiinta oo uu xusay inay ka badan yihiin tiradii loogu talo-galay oo uu tusaale ugu soo qaatay magaalada Hargeysa.#Hayaannews

Haddaba, Wareegtada uu Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland maanta soo saaray oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Somalilandpost.net, waxa uu shirkadaha ku war-geliyey inay u hoggaansamaan shuruudaha iyo habraaca Xeer-Nidaamiyaha Dhismaha taawarrada Isgaadhsiinta oo ku xusan xeerka isgaadhsiinta dalka ee Xeer Lr. 03/2020.

“Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyaddu iyadoo hirgelinaysa isla markaana fulinaysa shuruucda u yaala dhismaha goobaha isgaadhsiinta, taasoo hore loogu hakiyay warqadda ay summadeedu tahay Tix: WIT/XW-O1/126/2020 kuna taariikhaysan 09/12/2020 ujeedadeeduna ahayd Hakinta Dhismaha Taawarada Cusub ee shirkadaha isgaadhsiinta iyo ganacsatada dalka.

Haddaba, waxa ay Wasaaraddu ogolaatay Dhismaha Taawarada laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 13/04/2021. Sidoo kale, waxa Ia farayaa shirkadaha isgaadhsiinta in ay raacaan shuruudaha iyo habraaca Xeer-Nidaamiyaha Dhismaha taawarrada Isgaadhsiinta Xeer Nidaamiye Lr.03/2020.” Sidaas ayuu wasiirku ku sheegay wareegtada oo uu maanta soo saaray.

Taawarrada Isgaadhsiinta oo intooda badan ka dhex samaysan gudaha xaafadaha magaalooyinka, ayaa marka laga yimaaddo saamaynta caafimaad ee ay bulshada ku leeyihiin, waxa haddana jira khatar dhinaca bad-qabka nolosha dadka iyo bilicda magaalooyinka xilliyada ay jiraan roobabka waaweyn ee dabaylaha wata.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com