#SOMALILAND: Xukuumadda Oo Ka Digtay Weji Afraad Oo Uu Yeeshay Cudurka Safmarka Ee COVID 19, Baaqna U Dirtay Bulshada.

Hargeysa(Hayaannews): Xoghaya guud ee guddida cudurka Saf-marka ee Covid-19 Xuseen Aaden Cige (Xuseen-Deyr) ayaa ka war-bixiyey wejiga Afraad ee uu galay xanuunka COVID 19, Isla markaa Bulshada reer Somaliland la wadaagay, kaasoo si dhakhso ah u faafaya

Guddida ayaa bulshada Somaliland ku booriyey inay u hogaan-samaan tilmaamaha caafimaad ee ka hortagga cudurkan iyo inay qaataan talaalka lagaga hortegayo dhibaatadiisa.

Xogahayaha Guddidaasi Xuseen Aadan Cige (Xuseen-Dayr) waxa uu sidaa u uku sheegay kadib markii uu maanta shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa “Xannuunkani waa mid maalinba maalinta ka dambeysa wajiyo cusub adduunka ula soo baxaya, waana markii afaraad ee uu isbedelo” – “iminka 24-kii bishan November, dalka Koonfur Afrika waxa laga helay nooc cusub oo xanuunka ah oo ka duwan kuwii hore oo xataa dadka labada jeer talaalan ku dhacaya ama labadii qof ee talaalnaa ay isu gudbinayaan, si deg deg ah ayuuna u fidayaa noocan cusubi oo ay Hay’adda caafimaadka adduunku ku magacowday Omicron”ayuu yidhi Xoghaye Xuseen Deyr.

Md. Xuseen Deyr waxa uu fariin u diray bulshada, isagoo tilmaamay inay guddi ahaan dardar gelinayaan hawlaha xakamaynta cudurkaasi “markaa umadda Somaliland waxaan halkan uga gudbinayaa inay u hogaansamaan farriimaha caafimaadka ee ay Wasaaradda Caafimaadku u dirayso ee ah in la kala fogaado, in faraxalka la la joogteeyo iyo farriimaha kale ee sannadkii iyo badhkii u dambeeyey lagu soo cel-celinayey.”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Annaga guddi ahaan waxaa naga go’an in aanu dardar gelino wacyigelintii cudurka oo aanu balaadhin doono. waxa kale oo aanu bulshada ku adkaynaynaa inay qaataan talaalka cudurka oo qof waliba uu qaato talaalka haddii aanu hore isu talaalin”

Xoghaye Deyr waxa uu ku dooday in cudurkan lagaga bad-baadi karo u hogaansanaanta tilmaamaha caafimaadka: ”Xannuunkani waa mid dhibaato badan ku haya nololsha adduunka oo dhan, illaahaybaa badbaado hayee, umaddiba umadda ay uga dhego nugushahay qaadasha tilmaamaha caafimaadka ee ay xukuumadduhu kaga wacyigelinayaan bulshada isu gudubkiisa, ayey ka badbaado badan tahay”.Ayuu yidhi.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com