#SOMALILAND: Xukuumadda Oo Ka Hadashay Hadal-haynta Sheekh Aadan-sunne

Hargeysa (Hayaannews)- Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay Sheekh Aadan-Sunne oo ka mid Culimada Hargeysa oo maalmihii u dambeeyey la waayey meel iyo jaan-cidhib dhigay isaga iyo qoyskiisuba.

Wasiir ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Cabdillaahi Maxamed Xuseen oo shalay Saxaafaddu wax ka waydiisay halka ay ku ogyihiin Sheekh Aadan-sunne iyo Qoyskiisa, ayaa sheegay inay u guureen Dalka Soomaaliya, Wasaaradda Arrimuhuna ka war-hayso halka uu kaga sugan yahay Dalkaasi.

“Sheekh Aadan-sunne isagaa ka guuray Magaalada Hargeysa, Cid alaale iyo Cid xidhay ma jirto, Cid afduubtay ma jirto, Cid amaankiisa wax u dhintayna ma jirto, isagaa Iskii u tagay, isagaa Qoyskiisa rartay, halka uu u guurayna Wasaaradda Arrimaha guduhuna way ogtahay iyo halka uu hadda ku sugan tahay,” ayuu yidhi Wasiirku.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Waxaase jira baadhitaan oo laamaha amnigu wadaan, war-bixin dhamaystirana waanu ka soo saaraynaa, Ciddii kalkaalisayna war-bixinteeda waanu soo gudbinaynaa,”

Xukuumadihii kala dambeeyey ee Somaliland, ayaa tiraba dhowr jeer xabsiga dhigay Sheekh Aadan-Sunne oo inta badan ku dhaliili jiray xukuumadda arrimo khuseeya Diinta Islaamka oo inta badna lagu murmo.