SOMALILAND: Xukuumadda Oo Qiimo Cayiman U Dejisay Iibka Shidaalka

Hargeysa (Hayaannews)- Xukuumadda Somaliland, ayaa qiimo cayiman u dejisay qiimaha Shidaalka kala duwan, gaar ahaan Naaftada iyo Baatroolka oo sicirkoodu kor u kacay usbuucyadii u dambeeyey, waxaanay wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiisku soo saartay wareegto lagu jaan-gooyey qiimaha soo dejinta illaa heerka tafaariiqda ee labadan nooc ee Shidaalka ah, taasoo lagu dhaqmi doono muddo bil ah.

Sidaasina waxa lagu sheegay wareegto uu soo saaray Wasiirka Wasaaraddaasi Maxamed Xasan Sacad Saajin oo uu maanta warbaahinta u akhriyey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Eng. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Ab-deeq), taasoo ciddii ka dhego-adaygta talaabo laga qaadi doono, sida uu sheegay Agaasimuhu, dadweynahana lagu faray inay soo ashkateeyeen Shirkadda amma meheradaha jebiya ee wax ku Iibiya qiimo ka sareeya kan loo xaddiday.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga oo faahfaahin ka bixinayey Wareegtada uu soo saaray Wasiirku, ayaa tilmaamay in Litirka Shidaalka Naaftada ah loo dejiyey in lagu Iibiyo lacag dhan 5200 oo Shillin oo marka lacagta Dollar-ka loo bedellona noqonaysa $ 0.62 Dollar, halka Baatroolka lagu Iibinayo  5600shls.

Qiimahan ayaa ka hooseeya Sicirka todobaadyadii u dambeeyey lagu Iibinayey labadan nooc ee Shidaalka, kaasoo Litir-ka  Baatroolka ah la siinayey 6000 Shillinka Somaliland, Naaftaduna boqolaal shillin ka hoosaysay, iyadoo uu mar qudha yimi kor u kaca Qiimahaasi, sabab aanay Ganacsatada Shidaalku cadaynin.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga Cabdiraxmaan Ab-deeq oo tilmaamay inay talaabadan xukuumaddu uga dan leedahay inay gaadiidka gurmadka Biyo-dhaanka samaynayaa u helaan qiimo macquul ah oo ay Shidaalka ku Iibsadaan, ayaa isagoo faahfaahin ka bixinaya qorshaha loo jaan-gooyey sicirka Shidaalka, waxa uu yidhi:

“Shirkaddaha Shidaalka ka ganacsadaa waxa ay u qaybsamaan saddex, qaar soo dejiya, kuwo shirkaddaha soo dejiya ka soo jimlata iyo qolada tafaariiqda ku iibiya.

Go’aankani waxa uu khuseeyaa saddexdaas qolo ee kala sareeya oo ah:-

Kuwa soo dejiya Shidaalku waxa loo gooyey in aanay dhaafin Foostada Naaftada ah $106.15, halka Baatroolkuna uu noqonayo $111.92.

Shirkaddaha soo dejiyeyaasha Jumlada kaga soo iibsada, waxa loogu talo galay inay ka faa’idaan Foosto walba laba Dollar iyo Badh ($2.5) oo ay iyaguna kuwa tafaariiqeeya kaga Iibiyaan Foosta Naaftada ah $116.15 Dollar, halka Baatroolka loo jaan-gooyey inay ku Iibiyaan $122.42 oo Dollar.

Qolada Tafaariiqda ku Iibisa Shidaalku, marka laysku daro kharashka soo qaadista Naaftada Foostadii lagaga soo qaadayo Berbera $3.5 Dollar, Baatroolkana  $4 Dollar, marka labadaas kharash loo geeyo iyo Faa’iidadooda oo naaftada $5 Dollar ah iyo Baatroolka oo 6 Dollar ah, Ninka Kaalinta haystaa waxa uu Halka Litir ee Naaftada ah ku Iibinayaa $ 0.62 oo u dhiganta SHLS 5200, halka uu Baatroolkana ku Iibinayo $ 0.66 Dollar oo u dhiganta Lacagteena Somaliland 5600shls.”ayuu yidhi Agaasimuhu.

Agaasimuhu isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyey inay Wasaaraddu dabagal ku samayn doonto dhaqan-gelinta go’aankan, ciddii fulin waydana talaabo laga qaadi doono.

Isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Wareegtada Wasiirku soo saaray waxa ay shaqayn doontaa muddo bil ah, cidii ku dhaqmi wayda waxa laga qaadayaa talaabo sharciga waafaqsan, sidaasi darteed waxa aan dadweynaha ku war-gelinayaa in ay soo sheegaan cidii qiimahaas wax ka duwan suuqa ku Iibinaysa Shidaalka inay soo sheegaan muddadaas bisha ah.

Wasaaraddu waxa ay balanqaadaysaa inay joogtayso dhaqan-galka wareegtadaas oo ay ku kormeerto suuqyada, si xilliga lagu jiro ee adag ay kaga qaybqaadato sidii dadka loo gaadhsiin lahaa Biyo-dhaan ee ay gaadiidku u heli lahaayeen shidaal jaban”

Go’aankan oo dhaqan-galkiisu ka bilaabmayey isla shalay markii uu Wasaaradda ka soo baxay, ayaa suurtogelinaya in qaranku helo Shidaal naasil ah oo aan culays dhaqaale oo hor leh abuurin.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland 

Email: Hayaannewssoma@gmail.com