#SOMALILAND: Xukuumadda Oo Shaacisay Hawlgal Lagu Daweyn iyo Nafaqeyn Lagu Sameynayo 5 Milyan Oo Xoolo Ah

Hargeysa (Hayaannews) – Wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland Md. Siciid Sulub Maxamed ayaa maanta kala diray kooxo daaweyn iyo nafaqeynta xoolaha ka soo fulin-doona gobollada dalka oo dhan, oo lagu xanaanayn doono xoolo dhan 5 Milyan oo neef.

Sidaa waxa uu ku sheegay mar uu maanta la hadlayey kooxo loo kala dirayey gobollada dalka, waxaanu tilmaamay in olole ballaadhan lagu daweynayo ilaa saddex milyan oo neef oo xoolo ah dalka laga fulin doono, isla markaana la nafaqeyn doono xoolo tiradoodu gaadhayso 5 Milyan oo Neef.

Md. Siciid Sulub  wuxuu sheegay in hawlgan ay ka caawisay Hay’adda FOA, waxaanu tilmaamay inay ka faa’iidaysan doonaan 75 kun oo qoys oo xoolo dhaqato ah.

Wasiir Siciid Sulub waxa uu tilmaamay in ololahaas caafimaadinta iyo nafaqeynta xoolaha uu gobollada dalka oo dhan ka socon doono muddo 45 maalmood ah.

Waxa kaloo Wasiirka Xannaanada Xooluhu xaqiijiyey inay Hay’adda FAO ka caawinayso 1,400 oo Booyadood oo biyo ah oo ay gaadhsiin doonaan xoolo dhaqatada ku dhaqan gobollada bariga ee ay ka jirto abaarta adagi.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeisa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com