SOMALILAND: Xukuumadda Oo Si Adag Uga Jawaabtay Mudaharaadkii Uu Ku Baaqay Cabdiraxmaan-CIRRO.

”Dhulkan waa loosoo dhintay, xabada xabadka ayaa loosoo dhigay, waa losoo naafoobay, halgankaasi wuxuu dhalay nabada,…”Maxamed Kaahin

Hargeysa (Hayaannews)- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka jawaabay mudaharaadyadii uu ku baaqay musharaxa xisbiga Madaxweynaha Xisbiga WADDANI,waxaanu sheegay in xukuumaddu dalka ku hogaaminayso nabadgalyo.

Kaahin ayaa sheegay in nabada Somaliland lagu dhaliyay qori caaradii, taasina ay sababtay in Cirro uu yeesho hami madaxweyne-nimo.

”Dhulkan waa loosoo dhintay, xabada xabadka ayaa loosoo dhigay, waa losoo naafoobay, halgankaasi wuxuu dhalay nabada, naxariista iyo wanaaga maanta la joogo, ee uu isagu hamiga iyo qamiga ku leeyahay, ee uu leeyahay madaxweyne ayaan doonayaa”.

Wasiirka ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland, ay nabad ku hogaaminayso shacabka, isla markaana ay dhalinyarada Somaliland wada walaalo yihiin, waxaanu yidhi”Waxaanu idinku hogaaminaynaa nabadgalyo, waxaanu idinku hogaaminaynaa isjacayl, waxaanu idinku hogaaminaynaa hadii aad Kulmiye tihiin, dhalinyarada Waddani joogtaana waa walaalihiin, dhalinyarada UCID joogtaana waa walaalihiin, axsaabta siyaasiga ahi qaranka midka ah ayay kamid yihiin”.

Waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland aanay shacabka qixin doonin, isla markaana aanu Cabdiraxmaan Cirro cidna qixin karin.“Jaamacadaha idinka qixin mayno, iskuulada idinka qixin mayno, dadka umulan iyo dumarka jajaban ee isbitaalada ku jirana qixin mayno, adiguna Cabdiraxmanow qixin kari maysid”Ayuu yidhi Kaahin.

Madaxda sare ee xisbiga WADDANI, ayaa kulan ay la yeesheen qaar kamid ah dhalinyarada magaalada Hargeysa Jimcihii, kula balamay in ay banaanbaxyo sameeyaan haddii doorashadu dhici waydo 13, November, 2022.