WARDEGDEGA: “Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Wuxuu jarey Xidhiidhkii Uu La Lahaa Madaxda SL,Wuxuu Ka Laabtey Qadiyadii Madax-banaanida Somaliland” Xukuumada Somaliland

Hargeysa(Hayaannews): Xukuumadda Somaliland ee uu ka yahay Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi ayaa ka fal-celisay hadalkii Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md.Cabdirisaaq Khaliif, kaga jebiyey adhaxda Maamulka Somaliland kadib markii uu Muuse Biixi u xambaariyey eedo la xidhiidha xasuuq shacab iyo inuu isagu qaadayo masuuliyada dhibaatada ka dhalatey dagaalka ka socda Laas-caanood.iyada oo sheegtay inuu ka laabtey fikirkii  uu hore u aaminsanaa ee  qadiyadda Madax-banaanida Somaliland, kuna biirey kooxaha ka soo horjeeda aragtida Somaliland.

War laga baahiyey TV-ga Somailand, balse ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland, loogana dooday shirkii maanta ee ay ka qeybgaleen, Wasiiraddii Laascaanood ku soo fashilmay ayaa laga qorayay hadalo laga sheegay in Gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland ka jeediyey, kulamadii amniga Laascaanood looga hadlayay kahor 6-dii Feb inta uusan bilaaban dagaalka caawa galay habeenkii 21-aad.

Somaliland ayaa qoraalkeeda ku gabagabeysay  “4-tii Feb,2023,  Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, wuxuu jaray xadhiidhkii uu lalahaa Madaxda SL, wuu kalaabtay qadiyadii Madax banaanida Somaliland, wuxuuna ku biiray kooxo kasoo horjeeda aragtida Somaliland oo ah Isimadda SSC oo uu warkooda aqbalay maanta ayuu cadeeyey shaarkiisa tooska ah”ayaa lagu yidhi qoraalka.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com