SOMALILAND:Guddida Tacliinta Sare Iyo Mas’uuliyiinta Xafiiska Imtixanaadka Oo Sheegay In Maalinta Berri Ah Ay Bilaabi Doonaan Diwaangelinta Iyo Baadhista Shahadooyinka Musharaxiinta.

Hargeysa (#Hayaannews)-Guddida tacliinta sare ee qaranka iyo mas’uulyiinta xafiiska imtixaanaadka qaranka Somaliland oo shir jaraa’id si wada jir ah u qabtay ayaa sheegay in maalinta berri ah la bilaabi doono diwaan’gelinta iyo baadhista shahaadooyinka musharaxiinta u tartamaysa doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo wakiillada ee Somaliland.

Guddoomiyaha guddida tacliinta sare ee qaranka professor Saleebaan Dirir, ayaa sheegay in xeerka doorashooyinka qaranka ee xeer lanbar 91/2020 uu ku waajibiyay musharaxiinta golayaasha deegaanka ee todobada degmo ee A-da in ay keenaan shahaadooyinkoodii jaamacadda iyo dugsigii sare, isla markaana ay soo raaciyaan CV dhammaystiran, isaga oo xusay in musharaxiinta todobada degmo ee A-da ah ee kala ah degmooyinka: Boorama, Gebilay, Hargeysa, Berbera, Burco, Laascaanood iyo Ceerigaabo ay shahaadooyinkooda ay eegi doonaan guddida tacliinta sare ee qaranka, halka musharaxiinta degmooyinka B-da iyo C-da ah ay shahaadooyinkooda ay hubin doonaan xafiiska imtixaanaadka qaranka Somaliland. Waxaana uu  sheegay in qabashada, iyo baadhista shahaadooyinka iyo xogta kale ee musharaxiintu ay bilaabmi doonto maalinta berri ah.

Geesta kale, guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in xafiiska imtixaanaadka qaranku uu ka qaban doono shahaadooyinka musharaxiinta degmooyinka B-da iyo C-da ah ee doorashooyinka golaha deegaanka iyo wakiillada ee Somaliland, isaga oo ugu baaqay musharaxiinta hore uga baxday dugsiga sare balse aan hadda gacanta ku hayn wax shahaado ah in ay la yimaaddaan wax kasta oo caddayn u ah in ay qaateen shahaadada dugsiga sare

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email; Hayaannewssoma@gmail.com