Hargeysa(Hayaannews) Xildhibaanada golaha wakiiladda Somaliland ayaa fadhigoodii maanta waxay dood kaga yeesheen ajandaha kalfadhiga 41 aad oo lagu lafo guri doono xaalada guud ee dalka iyo xeerka doorashooyinka dalka
Fadhigii maanta Ee Golaha wakiilada Somaliland oo uu shirgudoominaayey gudoominayaha Golahaasi Mudane Baashe Maxamed faarax ayaa xildhibaanada golahaasi waxay dood ka yeesheen ajandahooda kalfadhiga 41 aad ,iyagoo xildhibaanadii dooda ka qaybqaadanaayey ay talo ahaan ku soo jeedinaayeen in xeerka arrimaha doorashooyinka wadanka ay hore iskaga gudbiyaan oo waajibaadkooda dastuuriga ah ka gutaan islamarkaa loo yeedho wasiirada wasaaradaha arrimaha gudaha, dibadaba iyo diinta iyo awqaafta , si xildhibaanadu wax uga weydiiyaan howlaha ay qaranka u hayaan.
Halka sidoo kalena xildhibaanada Golaha wakiilada ee doodooda ka qaybqaadanaayey ay qaarkood ay dalbanaayeen in ajandahooda lagu soo daro warbixinta shirgudoonka iyo xaalada guud ee wadanka .
Gabogabadii Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Md-Baashe Maxamed faarax ayaa xildhibaanada golahaasi ku wargaliyey in maalinta bari ah ay meelmarin doonaan ajandahoodaasi.
