#SOMALILAND:Wasiirka Arrimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga Oo Qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska Ee Hargeysa

Hargeysa (Hayaannews)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Ciise Kayd Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socda dowladda UK oo ay hoggaaminayso safiirka Ingiriiska ee Somaliland, Lizzie Walker.

Danjire Lizzie Walker oo dhawaan dowladda UK u soo magacowday Xafiiskooda Hargeysa, ayaa waraaqda Aqoonsiga u gudbisay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, waxaanay beddeli doontaa Danjire Stuart Brown oo dhowrkii sanno ee u dambeeyey xilka hayay.

Sida lagu sheegay qoraal kooban oo lagu baahiyey bogga twitter-ka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Danjire Lizzie waxa ay bogaadisay xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo UK.

“Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. Essa Kayd Mohamoud, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefdi heer sare ah oo ay hoggaaminayo Amb. Lizzie Walker oo ah madaxa xafiiska UK ee Somaliland. Amb. Lizzie waxay aad uga bogaadisay xidhiidhka wanaagsan ee u dhexeeya Somaliland iyo UK,” Sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland.

Sidoo kale, Madaxa Xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa, ayaa ka hadashay kulanka dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland oo ay ku bogaadisay soo-dhaweynta uu ku qabilay, waxaanay xustay inay ka shaqayn doonto sidii ay u sii wanaajin lahayd xidhiidhka iskaashi ee u dhexeeya Somaliland iyo UK.

“Runtii aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay soo dhawaynta uu Wasiirku igu qaabilay anigoo ah Madaxa Xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa. Waxaan rejaynayaan inaan ka shaqeeyo si aan u dhiso xidhiidhka iskaashi ee u dhexeeya UK iyo Somaliland,” Sidaas waxa barteeda Twitter ku baahisay danjire Lizzie Walker saacado kooban kaddib kulanka dhexmaray wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland.

Danjire Lizzie Walker, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay xilka madaxa Xafiiska UK ee Hargeysa oo ah xafiis qaabilsan xidhiidhka dublaasiyeed ee u dhexeeya labada waddan iyo sidoo kale mashaariicda horumarineed ee dowladda Ingiriisku ka hirgeliso Somaliland.

Lizzie Walker oo toddobadii sanno ee u dambeeyey ka tirsanayd Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska u qaabilsan, gaar ahaan waaxda Barwaaqo sooranka iyo Horumarinta, ayaa labadii sanno ee u dambeeyey hoggaaminaysay siyaasadda arrimaha dibadda iyo mashaariicda horumarinta ee dalalka Badhtamaha qaaradda Afrika.

Sidoo kale, danjire Lizzie Walker ayaa hore u soo noqotay Wakiilka Soomaliya u fadhiya Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska, iyadoo magaalada Muqdisho ka shaqaynaysay intii u dhaxaysay 2015 ilaa 2016-kii.